Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madasha Midnimda Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed Gudoomiye u Dooratay Raiisul Wasaarihi Hore Dr Cabdiweli Shiikh Axmed

Kulan  u socdey Laba Maalmood isla markaana looga arinsanayey sidii loo yagleeli lahaa Madal ay ku mideysan yihiin Aqoonyahanka soomaaliyeed , Indheeragaradka , Siyaasiinta, Xisbiyada iyo Kudlooyinkii Baarlamaanka ayaa lagu soo gabagabeeyey Magaalada Muqdisho.

Kulamadaas ayaa aakhirkii waxaa la is ku afgartey in la dhiso Madal loogu magacdarey Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed ,waxaana gabagabadii Dhismaha Madashaas loo sameeyey Munaasbad aad u  u balaaran oo ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed .

Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed oo Gudoomiye loogu doortay Raiisul Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Dr  Cabdiweli Shiikh Axmed waxaa Gudoomiye ku xigeen 1- aad loo doortay Dr  Cabdiraxmaan Macalin Cabdulaahi ( Baadiyow) Gudoomiye ku Xigeenka  Xuseen Carab Ciise , Gudoomiye ku xigeenka Dr Cabdishakuur Shiikh Xasan Fiqi  , Xoghayaha Guud waxaa loo doortay Dr Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Xareed ).

Gudoomiyaha Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed  Dr Cabdiweli Shiikh  Axmed oo halkaa ka Hadley ayaa sheegey in Madashu aysan cidna Cadow ku ahayn Dowladana wixii Wanaagsan waan kula  shaqeyneynaa , wixii u baahan talo iyo nasteexana waan u jeedineynaa

Ugu Dambeyntii waxaa hadalo kooban halkaa ka jeediyey  Xubnihii la doortay Waxayna ka sinaayeen in ay Madasha Midnimada Dimoqoraadiyada Soomaaliyeed ay ku hogaamin doonaan si Soomaalinimo iyo Cadaalad , sidoo kale waxay sheegeen in  Madasha ay u furan yihiin Mawaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan laguna soo dhaweynayo Gacmo Furan.

Daawo Sawirada


Cabdinaasir Yuusuf Macallin Xuseen

Muqdisho: Soomaaliya

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply