Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madasha 60 waa Mawjad Soomaaliyeed oo caafimaad qabta, By- Xaaji M/rashiid

Hordhac: Waxaa iska caadi ah in cidii uu cudur halis ahi haleelo ayna dhici karin inay wax kale ka fakarto aan ka ahyn siday isu daawayn lahayd. Aduunka waxay ugu jeceshahay cudurkaagii waa la gartay dawadiisiina waa lahelay. Waxaa kale oy ugu jeceshahay inay kan ka kacdo oy maruun is aragto iyadoo dib cagaheeda isugu taagtay. Waxaa iyaduna mudan inaan xuso Qaraabadiisa oo la daalaa dhacaya caawintiisa iyo garab qabashadiisa  iyagoo jeclaan lahaa inay ka arkaan ifafaalo soo duudsi oo ah inuu marba marka ka dambeysa soo fiicnaanayo, taasoo ay qalbiga kusii qabawsanayaan mooralkana kusii dhisanayaan.
Hadaan Hordhaca intaa ku dhaafo cida bugta ee mudada dheer maralka aheyd waa soomaaliwayn kuwa xaalkooda ka murgeysana waa aniga iyo inta ila midka ah. Xanuunkooda oo hada 25 sano kor u dhaafay ayaa waxaa baryahan la arkayaa ama la maqlayaa iyagoo soo ladnaanaya. waxaad baraha bulshada iyo saxaafadaba ku arkeysaa shaqsiyaad soo gudbinaya hadalo caafimaad qaba oy qiiro ku dheehantahay, sidaa daraadeed waxaa umada somaliyeed u bilowday waxyaabo Qalbiga dajin kara mooraalkana dhisi kara.
Waxaa baryahan dambe aynu la wada soconaa ololaha wadaniyadeed ee ay daadihinayaan saxaafada loo yaqaano Madasha 60 oo barkulan wadahal ah u askuntay umada somaliyeed ee Qaaradaha kala joogta isla markaana ay dhici karto inay Afkaaraha kukala duwanyihiin, balse loo horseeday inay isu soo hiloobaan si dhab ahna uga wada sheekaystaan marxaladaha la marayo. Waxaa lagu soo qaataa kolba mawduuc muhiim ah oo wax wayn usoo kordhinaya umadda soomaalieed.
Waxaa jirta qadiyad ay umada soomaaliyeed leedahay oo ka taagan Mandiqada Ogadenya loo yaqaano oo soo socotay Qarniyo. Guumaytayaashii abasiiniya ayaa si boob ah dalkaasi gacanta ugu galay, balse iyaguna ilaa waqtigan mayna ku ladin!. Runtii waxay qadiyadu wadnaha garkiisa kaga taala umada somaliyeed, balse markii cadowgoodii soo kala dhex galay ee uu qolaba meel ku cabsi galiyay ayay qaarood katanaasuleen inay Qadiyada ka hadlaan ama ay is garabtaagaan.
Madasha 60 oon ku sifayn karo Mawjad caafimaad qabta ayaa qabatay kulamo siyaasi ah oo aad u misaan culus taasoo ay kasoo qeyb galeen Ree Ogadenya iyo dadka jamhuriyadda soomaalia oo kasoo kala jeeda Gobolo iyo Qabiilo kala duwan, balse ku midaysan taageerida halganka xaqa ah ee uu Usha u hayo Ururwaynaha ONLF. Maah,maah Somaliyeed ayaa tibaaxda- BEEN HA SHEEGIN, CID KUU MAKHRAATI FURTA MA WAYDIDE. Sidaan ka warhayo siyaasadda Ururka ayaa wax badan ku celcelisay inuu Ururkani yahay mid matalaya guud ahaan umada soomaaliyeed ee guumaysiga Itoobiya ku hoos jirta. Sidoo kale waxaa loogu baaqay in cid kasta ay u furantahay inay kusoo biiri karto Ururka.
Dhalinyaradii iyo wax garadkii Jamhuriyadda Somaliya ee iyagu afkooda ku sheegay inay xubno ka yihiin halganka dalkaas lagu xoreynayo ayaa meesha kasaaray kutidhi kuteentii ahayd in Uruka uu Qaabiil leeyahay. Waa iga su’aale Horta dadka qaarkii maxaa ka qaldan, xaguu joogaa qabiilka soomaaliga ah ee Itoobiya 30 sano la dagaalami kara? jawaabtu waa ma jiro qabiil 30 sano dawlad la dagaalami kara, taa badalkeeda waxaan leeyahay umadnimo umbaa mudo dheer lagu dagaalami karaa ee qabiil haduu dadaalo laba ilaa sadex sano uyuu dagaalami karaa. Jabhadihii hubeysnaa ee Ogadenya kasoo halgamay Nasrullaah iyo Soomaali Galbeed midina qabiil kumayna dagaalamaynin ee waxay ku dagaalamayeen mab’da ONLFna jidkii umbay ku taaganyihiin.
Ugu dambeyn- waxaan ilaahay uga mahad celinayaa inuu jiro baraarug soomaaliyeed oy horkacayaan Aqoonyahano iyo saxaafado afbadan waxaana ka mid ah Madasha 60, Dalsoor, Hanoolaato waa inta hada qalbigayga xaadirka ku ah. Si kastaba ha ahaatee waxaan odhan lahaa hadii Ninkii seexday Siciisu Dibi dhalay, kollay kii soo jeedana Sicisii Wayl umbuu dhalayaa!
SOOMAALIYEEY TOOSOO, HADBA KIINA TAAG DARAN, TAAGEERA WALIGIIN

Xaaji M/rashiid Aw Macalim

Qoraa madax banaan

Xigasho: Qorahay

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply