Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad loo qabtay dhamystirka dhismaha Machadka Diiniga ah ee Degmada Ceegaag

Magaalada  Ceegaag oo ka tirsan Gobolka Sool , waxay Laascaanood Kaga Beegan tahay dhinaca Koonfur galbeed Waxayna u jirtaa 120 Km Waxaa  la aas aasay Sanadkii 2006 Wixii Ka danbeeyey Sanadkaana Magaaladani Waxay ku tallaabsatay Hormar dhinacyo badan leh oo ugu horreeyo Aqoonta Diiniga iyo Maadiga Waxaa  ka furan Goobo Waxbarasho oo Isugu jira Diini iyo Cilmiga Nolosha (Maadi) .
Magaalada Waxaa ka Furan Machad Wayn oo la Dhaho Machadka Al-Imaan ee Barashada Shareecada Islaamka , Waxaa Machadkani La aas aasay Sanadkii tegey ee 2014 , Machadka o ah Machadkii 38 aad ee laga barto Culuumta Shareecada Islaamka , iyagoo Dhamaantood hoostaga Machadka wayn ee Alfurqaan .

Furitaankii Macahadkan oo ay ka qaybqateen Culimada iyo Waxgaradka Gobolka Sool : Axmed Maxamed Saleebaan, oo isagu lahaa dhagax dhigga iyo Furitaanka Macadkan, sidoo kale waxa kasoo qayb galay xafladda lagu furay maxadkan culimo aad u badan oo uu Kamid yihiin :
Sh: C/naasir X. Axmed.
Sh: C/waaxid Xaashi   guddoomiyaha  Hay’adda Samafalka ee AL-MANHAL.
Sh: Yuusuf Haybe  Maamulaha Machadka AL-FURQAAN.
Proff: C/risaaq Lafoole   oo guddoomiyaha jaamacadda NUGAAL.
Sh Yuusuf Haybe Ibraahim oo ah Maamulaha Machadka Alfurqaan ee Laascaanood .
Ardayda Hada wax ka barata Machadkani ayaa ah arday badan (157) Arday  oo isugu Jira Inamo iyo Habo, Waxaana wax laag bartaa afar Xilli , Wuxuu ka kooban yahay dhismahaan ay iska kaashadeen Jaaliyada Dibada ee Ceegaag iyo Hay’ada Samafalka ee Manhal  lix  fasal, Xafiis, Suuliyo, Berked, iyo Masjid weyn oo ku dhex yaalla  Dhismaha Machadka .
Sh Maxamed C/Qani Macalin Faarax oo ah Maamulaha Machadka ayaa ka Waramay Xaalad Machadkani uu ku Sugan yahya , iyo Waxyaabaha Machadka Lagu Barto , Wuxuu Sheegey Maamuluhu in Machadku uu yahay Mid Hormar badan ku tallaabsaday intii uu Shaqaynayey .
Xigasho:Daldoon

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply