Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Machad waxbarasho oo laga furay degmada Huurshe ee G/Galgaduud

Machad lagu baranayo culuumta Diinta Islaamka iyo maaddooyinka asaasiga ah ayaa shalay gelinkii dambe si rasmi ah looga furay degmada Huurshe oo ka tirsan degmooyinkii uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Machadkan oo lagu baranayo culuunta Diinta Islaamka iyo maaddooyinka asaasiga ah ayaa laga furay magaalada Huurshe oo dhawaan madaxweyne Sheekh Shariif u magacaabay degmo ka tirsan gobolka Galgaduud, iyadoo hirgelinta Machadkan ay iska kaashadeen dadka deegaanka, culumaa’uddiin iyo qaar ka mid ah Jaaliyadda dibadda.

Maamulaha machadkaasi oo ka hadlay munaasabaddi furitaanka ayaa sheegay in ujeeddada loo furay Machadka ay tahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta dadka deegaanka iyadoo sida uu sheegayna Machadka uu dufcadda ugu horreeysa soo saaridoono Afar sano kadib.

Photo By:-Maxamed Deeq Cabdi Maxamed

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag