Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Somaliland oo colaadii ay ka hurinayeen Koonfurta Soomaaliya Gondahooda ka dayay.

Qore: Maryam Maaweel.  ‘Booraan hadimo ha qodin hadaad qodidna ha dheerayn ku dhici doontaana mooyee, Maamulka Somaliland 22-kii sanadood ee Koonfurta Soomaaliya dagaalada sokeeye iyo kuwa diimeed ka holcayeen waxay ku sii shubayeen gaas, warbaahinta madaxa-banaan waxay soo qufeysaa hagardaamooyinkii Maamulka Somaliland u geystay Koonfurta Soomaaliya, waxaana jira cadaymo badan oo ay ka mid yihiin kuwan soo socda:

 

(1) Hogaamiye-kooxeedyadii Koonfurta Soomaaliya ka dagaalami jirey sida Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Qanyare Afrax iyo Cumar Maxamud (Cumar Finishwaxay marar badan booqdeen Hargeysa, warbaahintana waxay ka sheegeen in dhaqaalaha ay hubka ku iibsan jireen ka heli jireen Maamulka Somaliland iyo Ganacsatadooda.

 

(2) Madaxweynihii hore Shiikh Shariif Shiikh Ahmed wuxuu warbaahinta ka sheegay in lacagtii ugu horeysay ee ururka maxakamadaha xafiiska Mugadishu loogu furey inay ka heleen Maamulka Somaliland iyo Ganacasatadooda.

 

(3) Shakhsiyaadkii ka soo jeeday Somaliland ee xilalka sar sare ka soo qabtay Dowladihii kala dambeeyay ee Soomaaliya sida Cumar Carte Qaalib, Cismaan Kaluun, Ismaaciil Buubaa, Maxamed Oomaar, Xuseen Carab Ciise iyo xubnihii kale ee Baarlamaanka Mugadishu ku jirey waxay ahaayeen kuwa inta badan sababa is qab-qabsigii ragaadiyay nadaamkii dowladeed ee mudadii 22 sanadood ee la soo dhaafay, taas waxaa dheeraa in marka ay shirar dibadda u baxaan ay si qarsoodi ah ula shiri jireen qurba-joogta Somaliland, isla markaana u gudbin jireen sirta dowladda, iyagoo halku-dhigooda ahaa inay ku yiraahdaan qurba-joogtooda ‘Ha moodina inaan idinku soo maqanahay ee idinka ayaanu idiin maqanahay’.

 

(4) Shakhsiyaadka ugu sareeya ururka argagixasada waxay ka soo jeedaan Maamulka Somaliland!, Inta badan shacabka soomaaliyeed waxay is waydiin jireen hadii kooxdan xag-jirka ahi run sheegayaan oo gaaladda la dirirayaan maxay uga dagaalami waayeen Somaliland, halkaaba gaalo waa joogtaaye?, maxay dagaalka ugu koobeen Koonfurta Soomaaliya?. Marar badan ayuu Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka SomalilandMaxamed Nuur Caraale Duur warbaahinta ka sheegay inuu magangalyo siyaasadeed siinayo xubnaha u dhashay Somaliland! Hadaba, Amuurtaan waxaa daaha ka fayday sirdoonka Ingiriiska iyo kuwa reer galbeedka oo xaqiijiyay in markii laga qabsaday goobihii ugu muhiimsanaa sida Jubooyinkii, Shabeelooyinkii, Goboladii Dhexe ee Soomaaliya lagu soo dhaweeyay Hargeysa iyo Burco.

 

(5) Masuuliyiinta Somaliland waxay caadeysteen inay fagaaraha siyaasadda ka caayaan shacabka koonfureed, kuna tilmaamaan Budhcad-badeed, argagixiso iyo mooryaan, iwm. Shakhsiyaadka inta badan ku can baxay cayda iyo aflagaadda waxaa ka mid ah (1) Adna Adan, (2) Faysal Cali Waraabe, (3) Cali Warancade, (4) Madaxweyne-kuxigeenkii hore Ahmed Yasiin, (5) Muuse Biixi iyo qaar kaloo badan, iyagoo iyaguna iska dhigaya inay yihiin dad aqoon, xikmad iyo sharaf leh oo ahlul-karam ah, nabadna ku nool, iyadoo ujeedadooda ugu weyni tahay in maamulkooda loo aqoonsado dowlad inta Koonfurtu colaadda ku mashquulsan tahay.

 

(6) Maamulka Somaliland xasuuqii iyo isku-dirkii uu ka waday Koonfurta Soomaaliya wuxuu usoo wareejiyay degaanadda Maamulka Khaatumo, iyagoo ula dhaqma shacabkaas nadaam ah qeybi oo xukun, waxay soo dhaweystaan oo xilal u magacaabaan shakhsiyaadka ugu damiirka xun, ugu akhlaaqda xun, ugu musuq maasuqa badan, kuwaasoo aan kala jecleyn aakhiro iyo aduunka, waxay ku tilmaaman yihiin Diin-laawayaal, Dhaqan-laawayaal, Hunguri-laawayaal iyo Dal-laawayaal.

 

Hadaba, waxaan qoraalkayga maanta ku soo gunaanadayaa, Ilaahay (swt) qoomna ma haligo ilaa ay gacmahooda xumaanta ku doortaan, Soomaliland lugahooda ayay colaada Mugadishu ka socota ku doonteen, maantana waxaynu aragnaa in Koonfurtii Barwaaqo iyo nabadi ka dhacday, Hargeysa iyo Burcana laga qaxayo.

 

Maryam Maaweel

mariammaaweel@hotmail.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag