Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Puntland oo ku dhiiraday inuu wadahadalo lagalo Maamulka Khaatumo

Shaqsi aad uga ag dhow aqalka looga arimoyo maamulka Puntland oo la soo xidhidhiidhay shabakadan Ceegaag ayaa noosheegay in uu Maamulka Puntland Doonayo inuu wadahadalo lagu soo af jaroyo xurgufta  la galo maamulka Khaatumo iyada oo uu u diray Madaxwayne ku xigeenka Maamulka Cabdixakiim Camey  Magaalada Muqdisho si uu wadahadalo ula furo Madaxda Maamulka Khaatumo oo haatan kusugan Caasimada dalka.

Shaqsigan oo naga codsaday inaan la baahin ayaa noosheegay in culaysyo siyaasadeed soo foodsaareen Maamulka taasina ay kaliftay inay ka tanaasulaan Golihii wada hadalada ee ladoonayay in lagu soo afmeero khilaafaadka reer Puntland ee ka dhashay yagleelidii Khaatumo. Shaqsigan ayaa hadalka kusiidaray in ay madaxda maamulka Khaatumo diyaar u yihiin la hadalka Madaxwayne ku xigeenka Puntland.

Kadib waxaanu la xidhiidhnay xoghaynta Maamulka Khaatumo oo ka gaabsaday inuuka hordhaco waxa uula soo shirtagi doono Madaxwayne kuxigeenka Maamulka Puntland balse noo xaqiijiyay inay jiri doonaan wadahadalo dhexmari doona labada dhinac.

Suul-Cawro

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply