Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka KMG ah ee Jubba oo magacaabay taliyaha ammaanka ee Kismaayo.

Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa shalay oo Axada ahayd u magacaabay sarkaal lagu magacaabo Ciise Maxamed Allaaki oo ku magac-dheer Ciise Kaambooni taliyaha cusub ee arrimaha ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Ciise Kaambooni ayaa ka mid ahaa aasaasayaashii jabhaddii la oran jiray Raaskaambooni ee markii dambe ku biirtay ururkii burburay ee Xisbul Islaam.
Magacaabistiisa ayaa timid kaddib markii falal ammaan darro ah ay dhowaanahan ku soo bateen magaaalada Kismaayo.
Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa kalsooni ka muujiyay in taliyaha cusub uu wax ka qaban doono nabadgalyo darrada sii kordheysa ee ka jirta magaalada.

Ceegaag Online-Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag