Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Jubba oo soo Bandhigay rag lagu Tuhmayay inay ka Tirsanyihiin Al-shabaab iyo walxaha qarxo

Howgaladii ay ka  wadeen ciidamada  maamulka jubba maalmihii aynu soo dhaafnay ayay waxay ku soo qabqabteeen dhalinyaro dhowr ah oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab kuwaaso markii ay soo qabanayeen ciidamada maamulka jubba iyagoo faraha kula jiro waxyaabaha qarxa  kadibna halkaasi uga taxaabay saldhiga dhexe ee magagalada kismaayo ee xarunta gobolka jubbada hoose .

Dhalinyaradaasi  ayaa sida la sheegay doonayay in ay ka fuliyaan magalada kismaayo qarax xoogan balse aysan u saamixin sida ay howlgalada ku fulin lahaa yeen islamrkaana ciidamada maamulka jubba ay ka warheleen dhalinyaradaasi ka tirsanayd ururka Xarakada Al-shabaab .

Dhanka kale ciidamada boliska ee magalada kismaayo ayaa waxay in muda ah baarayeen dhalinyarada lagu soo qabtay waxyabaha qarxa baaritaan kadib taliyaha saldhiga booliska ee magalada kismaayo Max’ed Cabdi Sugow  ayaa dhalinyaradaasi ka tirsaneed ururka Al-shabaab ku soo bandhigay saldhiga uu ka taliyo wuxuuna ka warbixiyay halka ay kasoo qabteen iyo danbiga ay ku haystaan dhaliyaradani waxaana uu yiri..

“wiilashan waxay ka tirsanyihiin kuwa nabad diidka ah oo markasta dhibaateeyo bulshada reeer kismayo, waxaan ku soo qabanay iyagoo ku guda jiro inay isku xirxiraan filooyin lagu qarxiyo miinooyinka halkasi uu alle inoogu suurta galiyay inaan soo qabano iyaga iyo waxay watenba waxaana rajaynaynaa inta dhiman in aan si fudud ku helidoono,ciidmadeena maamulka jubbaland wali waa ay dardargalinayan howlahooda amni ay ka wadaan magalada kismaayo,ayuu yiri taliye Max’ed Cabdi Sugow’’.

Sikastaba ha ahaatee howlgaladani ambi ay ka wadaan ciidamada maamulka jubba magalada kismaayo ayaa ah mid ay shacabka ku dhaqan magalada kismaayo ay si wayn usoo dhoweyeen.

ceegaag Online-kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag