Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Jubaland kama qeybgalayo shirka laga iclaamiyay Xamar

Maamulka Jubaland wuxuu sheegay in shirkaas hadii uu noqdo mid beelo lagu heshiisiinayo aysan waxba ka qabin beeluhuna ay ergo udirsan karaan laakiin aysan marnaba dhacaynin in shirkaas ay maamul ahaan kaga qeyb galaan.

Heshiiskii Addis Ababa ayaa wuxuu dhigayay in shir wadtashi iyo kalsooni dhisid ah muda 2 isbuuc gudahood ah lagu qabto Muqdisho kadibna mid kaas lagu sii dhameystirayo lagu qabto magaalada Kismaayo.

Maamulka Jubaland waxay iyagu sheegeen inay ku dhaqmayaan oo kaliya qodobada heshiiska Addis Ababa waxayna shegeeen in wajigii shirka dib uheshiisiinta ee Muqdisho uu qabsoomay waxa kaliya ee hadhayna uu yahay kii Ksimaayo.

Wasiirka Arimaha Gudaha ee DFS ayaa lagu eedaynayaa in isagu uu ka dambeeyo in shir cusub oo dib uheshiisineed lagu qabto Muqdisho kaas oo maamulka Jubaland u arko inuu yahay mid laguu doonayo in lagu carqaladeeyo heshiiskii Addis  Ababa.

Wafdi ka socday maamulka Jubaland oo uu horkacayay madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa isagoo fulinaya qodobadii heshiiska Addis Ababa booqday magaalada Muqdisho iyagoo halkaas shirar dib uheshiisineed kula soo qaatay 9 beelood oo kamida beelaha daga Jubaland horayna wax utirsanayay.Kulankii ugu dambeeyay ayaa wuxuu ka dhacay hooyag Cabdiqaadir lugadheere ku leeyahay magaalada muqdisho, waxaana kulankaas lagu go’aamiyay in gogashii taalay Muqdisho loo raro magaalada kismaayo.

Shirka cusub ee qaar kamida xukumada Saacid dabada ka riixiyaan ayaa laga yaaba inuu horseedo khilaaf cusub carqalad ku timaada fulinta heshiiska Addis Ababa ee maskaxda iyo maalka badani ku baxay.

Xigasho:Dhanaan

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag