Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Jubba iyo odayaasha dhaqanka oo wadatashi usocdo

Madaxweynaha maamulka Jubaland ayaa maalmahan ku mashquulsan watatashi uu la leeyahay oday dhaqameedyada Beelaha daga Jubba.

Warar sugan oo naga soo gaaray qaar kamida masuuliyiinta maamulka Jubba ayaa sheegaya in watashiyada socda ay yihiin kuwo ku saabsan soo xulida xildhibaanada maamulka Jubba.

Sida qorshuhu ahaa xildhibaanada Baarlamaanka maamul goboleedka ayaa lagu qeybsan doonaa qaab deegaan iyadoo degmo kasta loo qoondeeyay 4 xildhibaan.

Dhanka kale magaalada Muqdisho waxaa ka socda abaabul siyaasadeed oo lid ku ah maamulka Jubba.Waxaa dib boorka looga jafay siyaasiyiintii mucaaradaka ku ahayd maamulka jubba oo mudooyinkii udambeeyay aamusnaa.

Waxaa shalay hal mar idaacadaha maxaliga ah ee Muqdisho ka hadlay rag ay kamid yihiin Maxamed amiin, Cabaas iyo qaar kale oo sheegtay in Beelo ay wakiil uyihiin.

Hadaba su’aasha in la isweydiiyo mudan ayaa ah raggan idaacadaha ka qeylinaya yaa ka hadliyay, ma dowlada ayaa heshiiskii Addis Ababa minjaxaabinaysa mise dhawaaqan waxaa ka dambeeya siyaasiyiin dowlada kamida ah oo beeshooda sadbursi udoonaya?

Si kastaba ha ahaatee dowlada ayaa laga rabaa inay mowqifkeeda cadayso oo ay soo bandhigto arigteeda ku aadan fasiraada heshiiskii Addis Ababa iyo shirka Muqdisho

Ceegaag Online-Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag