Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maalintii 2aad ee Muctamarkii Masjid Al-Rowdaha Boston iyo Barnaamijyadisii Daawo

Tartamada muctamarka ka dhacay ayaa waxaa ka mid ahaa kadis ay dhalin da’doodu u dhaxayso sideed jir ilaa toban jir ay ku tartameen Aqriska Quraanka kariimka ah, Taariikhda iyo Afka Soomaalida.

Tartankan ayaa waxaa iskusoo dubo riday Macalin Idiris Maxamed Cali iyo macalimiinta dugsiga Al-Rowda kasoo ahaa mid aad u soo jiitay ka qaybgalayaasha muctamarka.

Barnaamijka Af-Soomaaliga ee Mutamarka waxaa soo diyaariyay Idiris M. Cali. Siddeed arday – afar gabdhood iyo afar wiil – baa ku tartamay aqoon Soomaaliyeed, oo ku saabsan sooyaal, deegaan, googaale, maahmaah iwm. Weydiimihii ardayda la weydiiyay, ee ay sida wacdaraha leh uga warceliyeen, waxaa ka mid ahaa: 1) Goorma ayaa la aasaasay SYL? 2) Buurta ugu dheer ee dalkeenna iyo gobalka ay ku taallo waa kee? 3) Saddexda fal ee boqornimada qofka ka xayuubisa waa kuwee? Guud ahaan, barnaamijkan waxa uu ahaa mid la mahadiyay, oo loo riyaaqay.


Dhinaca kale waxaa lagu tartamay Higaada iyo akhriska Quraanka kariimka, sidoo kalena waxaa lasoo bandhigay nashiidaad ka hadlaya naxwaha carabiga.

 

 

Sidoo kale waxaa dhalin da’doodu tahay sideed jir ilaa toban jir ku qudbeeyeen luqadaha Carabida iyo Ingiriiska iyaga oo warbixino kasoo jeediyay xaalada masjidka Al-Rowda sidii uu ku bilowday wakhtigii uu bilowday iyo meesha ay xaaladiisu taagan tahay.

Waxaa Maalintii labaad siwayn loo garab istaagay dhaqaale ahaan Masaajidka Al-Rowda oo iibintiisa aysan Soomaalidu dhaqaale badan ku bixin balse Muslimiintu bixiyeen dhaqaalaha lagula soo wareegay  balse ay Soomaalidu ku yabooheen dhaqaalaha dhismihiisa oo lafilayo in uu dhaqse bilowdo.

Sidoo kale waxaa qudbado wacyi galin ah kasoo jeediyay mashaaiikhdan.

   Sheekh Maulana Shakeelur Rahman

Muxaadaradii Sheekh Maxamuud Garyare ee Faa’iidada iyo Khasaaraha Social Media

Qaybtii 2aad ee Muxaadaradii Sheekh Cabdulaahi Ibraahim

Bandhigii Dugsiga Al-Rowda sida ay ubadka wax u baraan

 

Qudbadihii lagaga hadlayay xaalada Masjidka Alrowda Carabi iyo Ingiriis


Ugu danbayn waxaa dhaqaale abaal marin ah la’gudoonsiiyay dhalintii ku guulaysatay tartamadii kaladuwanaa ee lagu tartamay.

Waxaa si’aada looogu duceeyay dadkii ku yaboohay dhaqaalaha la doonayo in lagu dayactiro Masaajidka iyaga iyo waalidiintoodii ay u sadaqadeeyeen dhaqaalahaba.

Kadibna waxaa Muctamarka lagusoo Afmeeeray nashiidadan oo uu ku luuqeeyay Suhayb Hamaal Xaaji Xuseen.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply