Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maalinta Nadaafada ee Degmada Kaaraan 6 bisha May.

Maalmahan waxaa degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ka socday barnaamij kor loogu qaadayo is-dhexgalka bulshada iyo Maamulka degmada, kaas oo ay hormuud ka yihiin maamulka degmada kaaraan, isla markaana ay kala qeyb qaadanaayaan Madax ka socoto maamulka gobolka iyo wasaaaradaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Olole nadaafadeed oo maanta si weyn looga dareemay degmada kaaraan ayaa waxaa ka qeyb galay arday iskuulada degmada wax ka barta, oo ay ka mid ahaayeen dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Daalo, dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Godey, dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Al-bayaan iyo Al-shacab, waxaa sidoo kale ka qeyb qaatay qeybaha nadaafadda shanta waax ee maamulka degmada kaaraan.

Waxaa barnaamijka furay Agaasimaha howlaha guud ee maamulka gobolka banaadir, Gudoomiyaha degmada Kaaraan, Ku xigeenadiisa, Xog hayaha iyo gudoomiye waaxeedyada degmada Kaaraan. Waxaa hadalka koowaad qaatay Guddoomiye ku xigeenka Degmada ee Arimaha Bulshada Mr.Abdulkadir Mohamed Ahmed wuxuuna xusay in ay tahay maalin is dhexgal shaqo la abuuro bulshada iyo degmadana wax wada qabsadaan.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan, Mudane Axmed Cabdulle Xasan, ayaa ku dhiiri galiyay dadka deegaan in ay ka qayb qaataan nadaafadda deegaanka isla markaan uu cudurka u jiro inta uu khashinka u jiro, Waxaana uu sheegay maanta, oo taariikhda tahay May 6, 2015, maamulka degmada ay ku asteeyeen inay ay tahay maalinta nadaafada degmada Kaaraan.

Waxaan maanta loo qeybiyay dhammaan dadkii qeybta ka ahaa ololaha nadaafadda degmada qoraallo hal-ku-dhigyo ah oo lagu dhiiri galinaayo ka qeybqaadashada howlaha danta guud. Agaasimaha howlaha guud ee dowladda hoose Mudane Sheikh Cumar Xuseen Maxamed oo goob jog ka ahaa goobaha howlaha nadaafadeeed ka socdeeen ayaa waxaa uu sheegay in bulshada reer Kaaraan looga fadhiyo in ay ka wada shaqeeyaan bilicda degmada isagoo maamulka ku amaanay hogaamintiisa Bulshada arimaha nadaafada.

“Waa in aan u sheegnaa dadka dagan wadada hareeeraheeeda in ay ka qayb qaataan bilicda degmada waana u mahadcelinaa ardada iyo hooyooyinka isugu soo baxay in ay nadaafada degmada ka shaqeeyaan waa arin muhiim ah arintaa waa in la xoojiyaa”ayuu yiri Sheikh Cumar.

Ugu dambeyn, barnaamijkaan loogu magac-daray is-dhexgalka iyo Wax-wada-qabsiga bulshada iyo degmada (Civic Engagement) ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Gobolka Banaadir lagu qabto.

 

 

 

 

 

 

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply