Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Labadii Urur ee Indhoolayaasha ee ka jiray Caasimada Muqdisho oo Midoobay

Maanta oo aytaariikhdu ku beegantahay 18/09/2014ka ayaa waxaa hal urur ku midoobay labadii urur ee kala ahaa ururkii midowga indhoolayaasha soomaaliyeed iyo  ururka indhoolayaasha soomaaliyeed  kuwaas oowada qaatay magaca SOMALI ASSOCIATION BLIND  (SAB) midnimadaan ayaa   waxay timid da daal dheeri ah oo ay sameyeen xubnaha labadaas urur.

Xubnahaan ayaa gartay in aysan midnimo la,aanteed  wax qaban Karin ugu horeen waxaa halkaasi ka hadlay ustaad maxamed axmed  max’muud oo ka sheekeeyay taarikhdii ururka indhoolayaasha soomaaliyeed 1983 ilaa 1993 waxeey qaramada midoobay u aqoonsatay 10 sana ee naafada aduunka intii lagu guda jiray tobankaas sanno ayaa la aasaasay jimciyada indhoolayaasha soomaaliyeed,waxaan gudoomiyihii ugu horeeyay noday sheikh aadam cali xasan waxaan manta goob joog ka ahaa gudoomiye kuxigeenkii ugu horeeyay ee jimciyada indhoolayaasha cornel cumar xuseen, jimciyada waxeey ku guuleysatay in ay 9 sagaal arday u dirtay dalka baxreyn, mideyntaan labadaan ururu waxaa suurtagaliyay alle ka sookow xubnaha labada urur oo kaashaday hay’ada  hormuud telecom foundation maantana waa wax illaahey loogu mahdiyo in hal urur aan ku mideysanahay ayuu hadalkiisa ku soo koobay max’med axmed max’muud.

Waxaa kale oo goobtaasi ka hadlay cabdullaahi nuur cusmaan gudoomiyaha hay’ada hormuud telcome foundation “waxaan soo dhaweyneeynaa midowga labadan urur waxeyna talaaba wanaagsan u tahay dadaalkooda in ay sii xoojiyaan isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri” hadii aan nahay hay’ada hormuud foundation waxaan gacanta ku haynaa dugsiga indhoolayaasha al-nuur oo ay ardayda indhaha l’a iyo macalimintoodaba aan gacanta ku hayno aana sii wadi doono dadaaladaan oo kale.

Waxaan isagana halkaasi ka hadlay prof:maxamed cumar dalxa kana mid ah xilibaanada soomaaliyeed “dadka aan laheen araga waxeey kaalin aan la dhayalsankarin ku leeyihiin bulshada dhaxdeeda tusaale sida hal abuurka ay leeyihiin indhoola run ah waxaa ah qofka qalbiga beela “ kuwa aan aduunayada wax ku soo kordhin ayaa la yirahdaa indhoole.

Prof:dalxa waxuu bulshada soomaaliyeed dalka iyo dibada jirta ka codsaday in ay dadkaan is garab taagaan oo xoolahoodana ku bixiyaan si uu illahey ugu naxariisto, waxuuna amaanay shirkada hormuud telecom.

Ugu danbeyntii waxaa ka dhacay isgacan qaad ay is gacan qaadeen labadii mas’uul ee kala matalaayay labada urur eek u midoobay  maanta maxamed axmed max’muud iyo bashiir max’med jimcaale xafladiina waxeey ku soo gaba gaboowday jawi aan u qurux badan

Fadlan qofkii raba inuu la xiriiro ama gacan ka geysto hala xiriiro gudoomiyaha ururka indhoolayaasha soomaaliyeed (SAB).

Ibraahim c/laahi maxamuud 0025261-5511979

Cumar c/salaam diiriye agaasimaha ururka 00252-61-5853768

Mail:- somblind@gmail.com

Muqdisha Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply