Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Laba masuul oo reer Boston ahaa oo dadaal dheeriya ugu jira dib yagleelida Ciidanka Qalabka sida

Muqdisho.17-Nov-2013-War-saxaafadeed…Wasiirka Gaashaandhigga C/Xakiim Faqi, oo ay wehliyeen Ku Xigeenkiisa Gen.Axmed Maxamuud Carab,Taliyaha Ciidamada Xooogga dalka S.Guuto Daahir Aaden Cilmi,Abaanduulaha CXDS S.Guuto C/risaaq Khaliif Cilmi iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada XDS iyo AMISOM ayaa maanta xarunta Tababrka Ciidamada ee Jazeera uga qeybgalay munaasabad lagu dhaarinayay laguna qalabeynayay Ciidamadii ugu horreeyay ee lagu tababaray gudaha dalka kuna biiray Ciidamada XDS.

Munaasabadda ayaa intii ay socotay waxaa suugaan iyo Riwaayad ka hadlaysa doorka Ciidamada ay ka qaataan badbaadinta Shacbiga waxaa kusoo bandhigay Fannaaniinta Kooxda Horseed ee CXDS.

Gen.C/Risaaq Khaliif Cilmi Abaanduulaha Ciidamada XDS oo munaasbadda ka hadlay ayaa xusay in la diyaariyay lana soo gebagebeeyay Buug ka hadlaya shuruucdii lagu hagayay Anshaxa Ciidamada Xoogga dalka islamarkaana ay muhiim tahay in Askari kasta ee ka tirsan Xoogga dalka uu ka dhabeeyo dhaartii uu madaxda hortooda ku dhaartay Ilaahna uga baqo wax kasta ee dhibaato u keeni kara sharafta ciidamada Qalabka sida iyo Ummadda.

Gen.Daahir Aden Cilmi Taliyaha Ciidamada XDS oo isna khudbad u jeediyay Askarta maanta la dhaariyay ayaa tilmaamay in Askarta looga baahanyahay inay kalsooni ka helaan Shacabka Soomaaliyeed oo ay u adeegayaan isagoo farta ku fiiqay in askari kasta uu xafido sirta Ummadda iyo Qalabka uu ku aaminay Qarankooda.

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen.Axmed Maxamed Carab ayaa codsaday in askarta ay ku dedaalaan sidii ay magaca ummadda soomaaliyeed u dhowri lahaayeen laguna fikiro mar kasta sidii danahaooda gaarka ah ay uga horumarin lahaayeen Danta Guud.

Ugu Dambeyntii Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/Xakiim maxamuud Faqi oo munaasbadda soo xiray ayaa khudbaddiisa ku sheegay in Alshabab ay cadow ku yihiin Ummadda soomaaliyeed waxa kaliya ee lagu dabarjari karana ay tahay Awoodda ay leeyihiin Ciidamada Qalabka sida waxa uuna ku dhiirageliyay ciidamadan inay ka qeyb qaataan Dedaallada lagu xoreynayo Gobollada ay haatan ku suganyihiin Alshabab.

Ciidamadan maanta la dhaariyay ayaa tiradoodu gaareysaa 1000 Askari kuwaasoo dhawaan uu R/Wasaaraha Soomaaliya usoo xiray Tababar ay muddo bilooyin ah ku qaadanayeen gudaha dalkooda.

DHAMMAAD
Wasaarada Gaashaan dhiga

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag