Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

KUMANAAN ARDAYDA JAAMACADDA MUQDISHO OO U FARIISATAY IMTIXAANKII GEBAGEBADA (FINAL EXAMINATION

Maanta oo taariikhdu tahay 6/6/2015 waxaa imtixaanka gabagabada u fariisatay dhamaan ardayda katirsan qaybaha kala duwan ee Jaamacadda Muqdishu sanad waxbarashadeedka 2014 – 2015.
Imtixaankaan oo socondoono mudo12 cisho waxaana ka qayb qaadanaya dhamaan ardayda dhigata 9-ka kuliyadood iyo 27-ka taqasus ee ay Jaamacadda Muqdisho ay ka koobantahay.

Diiwaan hayaha guud ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xasan Nuur oo lahadlayay warbaahinta qaybaheeda kala duwan ayaa u hambalyeeyay dhamaan ardayda Soomaaliyeed meelkasta ay aduunyada ka joogaan gaar ahaan ardayda Jaamacadda Muqdisho, Macalimiinta, Maamulka iyo Shaqaalaha Jaamacadda Muqdisho iyo waalidka Soomaliyeed ee kalsoonida siiyay inay awlaadooda wax kabartaan Jaamacadda Muqdisho. Wuxuuna ardayda u rajayay inuu Ilaahey qalinkooda toosiyo siiyana guusha ay hiigsanayaan.

Jaamacadda Muqdisho oo ah Jaamacaddii ugu horeysay ee dagaaladii sokeeye kadib dalka laga aasaaso oo soo saartay arday wax badan u taray shacbigooda Soomaaliyeed dal iyo dibadba.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply