Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulanmadii shaly illaa iyo Xalay ka socday madaxtooyada Kismaayo oo la’isku fahmiwaayay.

Kulamadii caawa mataxtooyada Kismaayo uga socday wafdigii wasiirka arimah gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo madaxda maamulka Jubaland ayaa natiijo la’aan ku dhamaaday.Wafdiga kayimid Xamar ayaa kulankii layimid laba qodob oo kala ah ka qeybgalka shirka Xamar iyo arinta ciidamo ay ku sheegeen kuwa dowladeed oo kusugan tuulada Goobweyn.

Maamulka Jubaland labada qodob wuxuu uga jawaabay sidan;-

Arinta shirka Muqdisho madaxda maamulka Jubba waxay ku doodeen in meesha dhibku ka dhacay ay tahay Kismaayo loona baahan yahay wixii dib uheshiisiin ah ay ka dhacdo Kismaayo, waxayna wasiirka usoo jeediyeen in shirka dib uheshiisiinta uu ka furo Kismaayo.

Arinta ciidamada Goobweyn, madaxda maamulka Jubaland waxay sheegeen inaysan jirin ciidan ay u aqoonsanyihiin ciidan dowladeed oo goobweyn kusugan.Waxay wafdigii dowlada weydiiyeen sababta shabaabku habeen kasta usoo weeraraan 5000 oo ciidan ah oo kusugan Kismaayo una soo garab maraan ciidanka aad ku sheegteen inuu yahay ciidan dowladeed ee kusugan Goobweyn iyagoo waliba cadeeyay in shabaabka habeenkii Kismaayo soo weerara ay kasoo weerar tagaan Goobweyn iyo Buula gaduud.

Dhinac kale waxay wafdigii u sheegeen in maamulka Jubba iyo AMISOM qorshe u dajiyeen maleeshiyadii taabacsanayd Bare Hiiraale, qorshahaasna hada gacanta lagu hayo oo aysan ahayn wax maamulka kaliya uyaala.

Wafdigii dowlada ayaa markii ay arkeen in la ismari la’yahay waxay sheegeen inay dib isugu noqonayaan lana tashanayaan madaxda dowlada, wixii go’aan ahna ay la soo noqon doonaan.

Labada dhinac ayaa lagu wadaa in marsadexaad Maanta oo ah Isniin isarkaan haseyeeshe wararka hoose ee Ceegaag Online soo gaadhaya waxay tilmaamayaan in aad lookala fogyahay culays kor kayimaada mooyeen aysan muuqan jawi labada dhinac isku fahmi karaan.

Wixii kasoo kordha kulamadan kala soco Ceegaag Online

ceegaag Online-kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag