Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulan Ay Xildhibaannada qaar kamida Musharixiinta Khudbadaha Kaga Dhageysanayeen Oo Soo Gebageboobay

Waxaa goor dow oo caawa ah kusoo gebageboobay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho kulan Mudanayaasha Baarlamaanka usoo bilowday gelinkii dambe ee maanta kaasi oo ay xildhibaannadu khudbaddo kaga dhageysanayeen musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Dalka.

Kulanka oo ahaa kala fadhiga Koobaad fadhigiisa Todobaad ayaa waxaa shir gudoominayey gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayadoo intii uu socdayna khudbadahooda ay xildhibaannadu dhageysteen ilaa Toban Musharax oo ka mid ah 25ka musharax ee ay gudigu shaaciyeen iney shuruudaha buuxiyeen.

Musharixiinta ay xildhibaannadu khudabadahooda ka dhageysteen ayaa kala ah:-

1 Axmed Ismaaciil Samatar

2 Xuseen maxamuud Jaamac

3 Maxamed Axmed Salaad

4 C/llaahi Axmed Cadoww

5 Maxamed C/laahi Oomaar

6 Shariif Sheekh Axmed

7 c/weli Maxamed Cali “Gaas”

8 Maxamed C/laahi Maxamed “Farmaajo”

9 Salaad Cali Jeele

10 Cumar Salaad Cimi

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo markii uu kalanka soo xerayey ka hadlay ayaa xildhibaannada iyo musharixiinta uga mahad celiyey sida ay shaqadan ugu dhabar adeegayaan waxaana uu gudoomiyuhu tilmaamay in maalinnimada berri ah ay xildhibaannadu fadhigooda Sideedaad ku yeelan doonaan xarunta golaha shacabka ayaga oo khudbaddo ka dhageysan doona 15ka musharax ee hartay.

Prof Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Dalka ayaa carabka ku adkeeyey ineysan doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka dib dhici doonin waqtigii loo qorsheeyey oo ah 10ka bishan oo ku beegan maalinnimada Isniinta ah ee soo socota waxaana uu Gudoomiye Jawaari shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney muujiyaan xasilooni inta lagu guda jiro maalmaha Doorashada.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag