Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulan xafladeedkii Bilaha ahaa ee SAYPA Dhalinta iyo Waalidiinta Boston oo soo gabogaboobay

Kulankan oo ay bilwalba soo qaban qaabiyaan urur madani ah oo ay Soomaalidu maalgaliyaan afka Ingiriiskana lagu yidhaahdo (Somali American Youth Parents Association (SAYPA) kulankan bishan ayaa lagu balan qaaday in dhalinta dugsiyada Dhexe iyo kuwa Sare  lasiin doono hadiyad Iphone nooca ugu danbeeya ama dhaqaale ilaa $1500.00 oo Doolar ah, ardaygii keena warqada qiimaynta waxbarashada buudooyinka A iyo B’s GPA 3.7 ama ka sareeya.

Dhaqaalahan oo ay Soomaalida Boston ku yaboohi doonaan qoyskasta $5.00 bishii. Xafladan oo ah mid loo qabto dhalinta Soomaaliyeed iyada oo lagu baro dhaqankooda, waxaa lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka sida Buraan burka, Jaandheerta, iyo Dhaantada.

Madaxa Sayba Samira Ahmed (Yaaska) oo ceegaag.com waydiisay dareenkeeda ku aadan xafalada sheegtay inay aad ugu faraxsantahay ayna rajeenaso in uu dhasho tartan ay ubadkayagu ku tartamaan aqoonta si ay jaamacado bilaasha oo ay aqoontoodu sababto inay helaan. Waa inaan ubadka u dirnaa jaamacada ay iyagu door bidaan iyada oo aan wax dhaqaale ah qoyskoodu ka bixin, waa in aan ubadkayaga aqoontooda  hoos ka dhisnaa, waa inaan Soomaali ahaan u istaagnaa inaan dhamaantayo ku dadaalno ilmo kasta aqoontiisa ayay hadalka kusoo uruurisay.

Dhinaca kale Khadra Xaaji oo kamida gudida SAYPA ayaanu waydiinay dareenkeeda waxaa ay tidhi, waa ilaahay mahadii mar hadii aan garanay Soomaali ahaan waxa ina qaldanaa oo ahayd inaan si wada jira wax uga qabano aqoonta ubadka, ubadkuna ku tartamaan aqoonta si ay Soomaalida reer Boston u noqdaan dad tayo leh waxna kusoo kordhiya shacabka iyo wadankoodan iyo kii ay waalidkood ka yimaadeen ee Soomaaliya.

Xaflada oo ahayd mid salka ku haysa hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ayaa kusoo dhamaatay ilmihii oo wax ka ogaaday dhaqankooda, iyo waliba helay balanqaad ah inay la tartamaan ilamaha ay isku fasalka yihiin iyo ilmaha Jaaliydooda Soomaaliyeed si ay u helaan waxa ay jecel yihii ee ah ‘The Latest Iphone.’

 

Husseinfiin

Boston

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply