Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulan-suugaaneed Akadeemiyo-Goboleedka Af-Soomaligu Abaal-marin ku Gudoonsiisay Golaha Abwaanada Soomaaliyeed.

Kulan-aqooneed ay soo qaban-qaabisay Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga (AGA) kuna abaal-marineysey Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa lagu  qabtay magaalada   Muqdisho maanta oo ahayd 30kii bisha Disember 2016, Halku dhegga kulanku  wuxuu ahaa Sida Af Soomaaliga iyo Hal-abuurkiisu Horseed ugu Noqon karaan Nabad-raadinta  iyo xumaan-diidka.

Munaasabaddii kulankaasi oo si qurux badan loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay waxgarad fara  badan oo ay ka mid ahaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaaaliya, Siyaasiyiin kale, madaxda iyo hawl-wadeenada Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga, abwaannadii ka soo qayb qaatay ergo-nabadeed dhawaan colaad-damis u tagtay magaalada Gaalkacyo, masuuliin kala matalayey Akadeemiyada Cilmiga iyo Fanka, haweenka Gobolka Banaadir, ururrada saxaafadda, aqoonyahano madaxbannaan, fannaaniin iyo marti-sharaf kale oo aad u fara badan.

Kulanka waxaa khudbad aad u qiime badan  ku furay Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka Af-Soomaaliga Dr.  Maxamed Daahir Afrax  oo si qoto dheer  uga warramay ujeeddadii laga lahaa qabashada kulan-suugaaneedkaas, Wuxuu qeexayAkadeemiye-Goboleedku ujeeddooyinka ay kulanka u abaabushay inay ugu weyn yihiin iftiiminta sida Af-Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa suugaaneed ay u noqon karaan horseedka nabadda iyo horumarka, Ujaaddada labaad waxay ahayd qiimayn iyo abaal-marin ay AGA siisay abwaannadii iyo aqoonyahankii ka qayb qaatay ergo-nabadeeddii lagu daminayey colaaddii ka dhex taagnayd labada maamul ee walaalaha ah ah, Puntland iyo Galmudug, ergo-nabadeeddaasoo ay iska kaashadeen Golaha Abwaannada iyo Akadeemiye-goboleedka lagana soo hooyey guul taariikhi ah.

 Ujeeddada saddexaad ee kulanku waxay ahayd gunaanad iyo sagootis sannadka dhammaanaya, 2016 iyo gaba-gabayn waxqabadkii badnaa ee ay AGA sannadkaas kaga hawl gashay magaalooyin badan oo kala duwan, sida Muqdisho, Hargeysa, Baydhabo, Boosaaso, Garoowe, Jigjiga, Jabuuti, London, Minneapolis ooMaraykanka ah iyo meelo kale, Guddmmiyuhu wuxuu xusay in  AGA loo aqoonsaday Haya’ddii sannadka 2016, taasoo ay ku mutaysatay dadaalkii badnaa ee ay ugu guntatay daryeelka iyo horumarinta afka hooyo.

Prof. Afrax khudbaddiisa oo dhnicyo badan taabanaysey wuxuu ku soo gunaanadey dardaaran ka kooban dhawr qodob: Degaannada colaaduhu ka taagan yihiin wuxuu ku boorriyey in laga waantoobo colaadda sokeeye ee hore loogu jabay, lagana dhabeeyo oo la ixtiraamo heshiisyadii la gaarey, cid kastoo waxgarad ahna wuxuu ugu baaqay in la iska wada xil-saaro nabadaynta dalka. Dhanka kale, wuxuu magaca Akadeemiyada waxgaradka Soomaaliyeed ugu baaqay in laga wada qayb qaato gurmadka abaaraha, laguna baraarugo qiimaha afka hooyo iyo kaalinta hormuudnimo ee hal-abuurka suugaanta.

Gudoomiye ku xigeenka Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Xersi Dhuux Maxamed ayaa soo bandhigay warbixin ka hadlaysa socdaalkii ergadii  nabadeed ee ka socotay golahooda iyo AGA iyo sidii ay ugu soo guulaysteen daminta colaadii Magaalada Gaalkacyo, masuuliyiintii kale ee munaasabadda ka hadlay waxaa ka mid  ahaa Gudoomiyaha Akadeemiyada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta C/qaadir Nuur Xuseen (Maax), Gudoomiyaha Haweenka G/Banaadir Jawaahir Maxamed Baarqab iyo Siyaasi Cali Cabdi Awaare waxayna  dhammaantood bogaadiyeen, si diirana u soo dhaweeyeen dadaalkii ay AGA iyo Golaha Abwaanada u galeen daminta dagaaladii Gaalkacyo.

Prof. Mustafa C/laahi Feyruus oo ka mid ah maqaawiirta AGA ayaa wuxuu si qota dheer uga hadlay kaalinta hormuudnimo ee suugaanta Soomaaliyeed ka qaadato guud ahaan sama-taliska gaar ahaanna daminta colaadaha, Gunaanadkii kulankaasi waxaa hadallo isugu jiray taageero, talo soo jeedin, guubaabo iyo ballanqaad halkaasi ka soo jeediyey  Xildhibaan Khaalid Macow C/qaadir iyo Xildhibaan Maryan Cariif Qaasin oo iyadu ka mid ah  madaxda Akadeemiyada AGA.

Gabagabadii kulanka, in kabadan 20 xubnood oo isugu jirey abwaano iyo aqoonyahano ayaa Akadeemiye-Goboleeddu waxay ku abaal-marisay shahaado Sharafyo ay ku mutaysteen sidii  geesinimda lahaydoo  ay ugu gurmadeen walaalahooda colaadda la dhex dhigay ee Gobolka Mudug. Dhanka kale waxaa kulan aqooneedkaasi oo ahaana kulan-suugaaneed lagu daawadey suugaan ka koobneyd heeso wadani ah, gabayo wacyigalin ah iyo shirib baraarujin ah, kuwaasoo dhammaantood dadka ku baraarujinayey qiimaha nabadda iyo waddaniyadda.

Munaasabadaasi oo aheyd mid aad loo jecleystay ayaa waxay ku soo gaba-gabowdey jawi aad u wanaagsan.


Cabdinaasir Yuusuf Macallin

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply