Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulan Khaasa dabdeed Madaxwaynihii Hore ee Khaatumo”Indhosheel” iyo Jaaliyada Boston oo ku heshiiyay Taageerada…..

Taageerada ay jaaliyadu siindoonto maamulka Khaatumo, iyada oo laysla meel dhigay habkii iyo sidii ay jaaliydu deeqohooda u gaadhsiin lahaayeen Deegaanada Khaatumo. Shirkan oo saxaafadu dibad joog ka ahayd ayaa waxaanu ka dhagadhagaynay qaabka ay jaaliyadu uga qayb qaadanaso dhismaha maamulka ee ilaa heer Degmo-Tuulo iyada oo Jaaliyadu balan qaaday Dhaqaale Mugwayn iyo waliba tabarucaad ay Aqoonyahanada reer Boston dib ugu noqonayaan Dalka si ay tababaro kala duwan u siiyaan bulshada qaybaheeda kala duwan siiba Haayadaha dawliga ah ee Maamulka Khaatumo State of Soomaaliya.

Jaaliyada ayaa si wayn ugu mahad celisay Madaxwaynihii hore ee Khaatumo iyaga oo sheegay inay abaal wayn ugu hayaan sida uu ugu dhabar adaygay shaqadii uu qaranka u hayay, ee uusan marna u qiyaamaynin cahdigii Taleex ee lagu yagleelay Maamulka Khaatumo.

Warbixin tafatiran ayaa lakala qaatay taasoo lagu balamay in Maamulka siwayn oo mug leh loo taageero tasoo soo dhaween doonta wax qabad dhab ah oo ka hirgala deegaanada Khaatumo, iyada oo madaxwayne Maxamed Yuusuf Jaamac (indha-sheel) daaha ka qaaday in Khaatumo ay tahay midnimada Soomaaliya sidaa awgeedna loo baahan yahay in Jaaliyadu adkayso midnimadeeda kadibna adkayso midnimada Jaaliyada Soomaalida ee kudhaqan Magaalada Boston.

Ilaa intii uu soo gaadhay Boston. Madaxwaynihii hore ee Khaatumo  ayaa la kulmay Jaaliyada qaybaheeda kala duwan sidookalana la kulmaya Jaaliyada Soomaalida ee ku dhaqan Boston, iyada oo xaflad mahad celina ay  jaaliyadu Axadan ugusamayn doonto Xaafada Brookline.

Daawo Sawirada Qaar ka mida Mudanayaashii Jaaliyada iyo Madaxwaynihii Hore ee Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac (indha-sheel)

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply