Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulan diimeed aad u sal balaadhnaa oo lagu soo gabo gabeeyay magaalada Boston, USA

Kulan diimeed aad u wayn ayaa lagu soo gabo gabeeyay magaalada Boston ee carigan maraykanka. Kulankaas oo ay isugu yimaadeed Imaamyo kakala socday gobolada gobolada maraykanka iyo waliba qaar ka yimid qaarada Yurub.

Kulan diimeedkan oo ahaa mid sanadla ah ayaa waxaa halku dhig looga dhigay ayaada ay ku dhamaato suuradtul KAHF. qofkii doonaya inuu rabigii la kulmo hasmeeyo Camal saalix ah.

kulanka ayaa luu daadihiyay habkan sadexdii maalin ee uu socday……………..

BOSTON ISLAMIC CENTER & MAS QURAN INSTITUTE

WELCOMES YOU

ANNUAL MU’TAMAR / CONFERENCE

DECEMBER 21 – 23, 2012

Assalaamu Calaykum Waraxmatullah

Magaalada Boston ee Gobalka Massachusetts (USA) ayaa waxa lagu soo gabogabeeyey kulan diimeed aad u heersareeyey oo ay kasoo qayb galeen dadwaynaha ku dhaqan gobalkan iyo qaar kamid ah gobalada kale ee Maraykanka. Kulankan diimeedkan ayaa qabsoomay Jimce ilaa Axad waafaqsan December 21-23, 2012, waxaa kasoo qayb galay Mashaa’ikh kala duwan oo ka kala yimid Gobalada oo dhan.

Mu’tamarkan oo ka dhacay masjidka weyn ee ISBCC ayaa waxaa iska kaashaday markazka wayn ee Boston Islamic Center/ Masjid Altaqwa iyo MAS QUR’AN INSTITUTE.

Kulan diimeedkan waxaa lagu soo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo aad u xiisa badnaa, waxaana kamid ahaa muxaadarooyin kala duwan oo ay soo jeediyeen culimaa’udiin kala duwanaa, sidoo kale waxaa lagu so bandhigay Anaashiid aad dadwaynaha usoo jiitay oo ay soo bandhigeen caruurta Dugsiyada Qur’aanka ee labada markaz ee marti geliyay.

Culimada kaqaybgashay kulan diimeedkan ayaa waxaa kamid ahaa Sheikh Cabdiraxmaan Sheikh Cumar oo kasoo jeediyey muxaadarooyin musalsal ahaa oo ku saabsanaa MIRAHA IKHLAASKA. Sidoo kale, waxaa kamid ah Sheikh Adan Cabdille oo isna soo jeediyey muxaadarooyin kala duwan oo cinwaankoodu kala ahaa Miraha Iimaanka Iyo Fahanka Tawbada.

Sheikh Cabdirahman Shariif ayaa isna soo jeediyey muxaadarooyin aad u wanaagsanaa oo ku sabaabsanaa Isfahanka Waalidka Iyo Dhalaanka Iyo Waxyaalaha Looga Baahan Yahay Qoyska Muslinka Ah. Sidoo kale, waxaa kulan diimeedkan ka qayb qaatay Sheikh Maxamed Shakiib oo kasoo jeediyey muxaadaroyin ku baxay English iyo Soomaali oo dhalinyaradu si aad ah uga faa’idaysteen. Muxaaadarooyinka uu ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Himada Sare Iyo Dhibaatada ay Leedahay Isticmaalka Shiishada oo xiliyadaan danbe mujtamaca soomaaliyeed dhibaato aad u wayn ku haysa: yar iyo waynba. Waxaa intaas dheer, in culimo badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin ay ka qayb qaateen kulan diimeedkan oo sanadkii hal mar soo mara bulshaweynta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Boston iyo nawaaxigeeda.

Kamadayntii iyo gebagebadii kulan diimeedka ayaa culimadu ayagoo wadajira si jamaaci ah ugu duceeyeen bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Boston gaar ahaan kuwii sadaqada la baxay, hooyooyinkii marti-soorka u fidiyay martida iyo weliba dhamaan walaalihii mu’tamarka ka shaqaynayay. Waxay culimadu dadweynaha u dardaarmeen xaqqa iyo inay diinta Allah haystaan oo ay ka dhigtaan udub dhexaadkooda!

Runahaantii waxa uu ahaa kulankani mid ay ka muuqatay isku duubni iyo walaaltinimo iyo weliba is jaceyl oo dhammaan umadda Soomaaliyeed ee gobolku ka wada qayb qaateen!

Haddaba, haddaanu nahay maamulka Boston Islamic Center iyo MAS Qur’an Institute, waxaanu si wadajir ah oo ballaadhan ugu mahad celinaynaa hooyooyinkii habeen iyo maalin u taagnaa inay marti sooraan dhamaan culimadii iyo dadweynihii tirada badnaa ee meelwalba  isaga kala yimid. Waxaanu kaloo u mahad celinaynaa culimaa’udiinka faraha badan ee naga ajiibay dalabkayagii iyo codsigii ahaa inay nagala qeyb qaataan! Sidoo kale walaalihii ku tabarrucay waqtigooda oo shaqooyinkoodii iyo howlohoodii u baajiyay inay kulan diimeedkan ka dhigaan mid heersare ah. Dhamaan waxaan Allah uga baryaynaa inuu ka yeelo mid miisaankooda xasanaadka kor u qaada oo Janno ay ku mutaystaan.

Allah ayaa mahad oo dhan iska leh

 

FRIDAY          December 21, 2012

Time

Program  Name Presenter
4:00-4:30 Magrib Prayer
4:30-4:50 Quran Recitation BIC/MAS
4:50-5:20 Welcome Statement ISBCC/BIC
5:20-5:40 Nashida BIC Dugsi/ MAS Quran
5:40-6:20 The Muslim Family Sh. Abdirrahman Shariif
6:20-7:00 Waxyaabaha Imaanka Nuqsaamiyya Sh. Adam Sh. Abdille
7:00-7:20 Isha Prayer
7:20-7:25 Welcoming Imam Suhaib Sh. Mohamed Shakir
7:25-8:05 Challenges/Opportunities Facing Youth Imam Suhaib Webb
8:05-8:50 The Rules of Condolences Sh. Osman
8:50-9:30 The Muslim Family Sh. Mohamed Abdullahi
9:30-9:50 College Education Mohamed Farah
9:50-10:00 Concluding Statements

 

SATURDAY            December 22, 2012

Time Program Name Presenter
2:00-2:15 Quran Recitation BIC/MAS
2:15-2:30 Nashida BIC/MAS
2:30-3:00 Higher Ambitions Sheekh Shakiib
3:00-3:20 Asr Prayer
3:20-4:00 The Fruits of Ikhlas Sh. Abdirrahman Sh. Omar
4:00-4:30 Magrib Prayer
4:30-4:50 MAS Quran Presentation Sh. Mohamed Shakir
4:50-5:30 Balancing the Rights of Parents and Children Sh. Abdirrahman Sharif
5:30-6:10 Beautiful Meaning of Fatiha Sh. Adam Sh. Abdille
6:10-6:40 Importance of Following Sunnah Sh. Abdul-Hakim Mohamed
6:40-6:50 Education and Disciplinary of Somali Kids Teacher Warfa
6:40-7:20 Isha and Break
7:20-7:50 Strengthening Sisterhood BIC Sisters
7:50-8:30 Being a Proud Muslim Sh. Mohamed Diini
8:30-9:10 Dhaqankii Jaahiliga Sh. Muse Ashcari
9:10-9:50 Dhismaha Qoyska Muslimka ah Sh. Mohamed Abdullahi

 

SUNDAY         December 23, 2012

Time Program Name Presenter
1:00-1:15 Quran Recitation BIC/MAS
1:15-1:30 Nashida BIC/MAS
1:30-2:15 Sh. Shucayb
2:15-3:00 Importance of Following Sunnah Sh. Abdul-Hakim Mohamed
3:00-3:20 Asr Prayer
3:20-4:00 The Fruits of Ikhlas Sh. Abdirrahman Sh. Omar
4:00-4:30 Magrib Prayer
4:30-4:50 Sh. Nucman
4:50-5:30 Local Sheikh ISBCC
5:30-6:10 Excel to the Next Level in Life Sh. Mohamed Diini
6:10-6:40 Ahmiyadda Aadaabta Sh. Yusuf
6:40-6:50 Educational Awerness Brother Said USY
6:40-7:20 Isha and Break
7:20-7:50 Youth Debate BIC/MAS
7:50-8:30 Sh. Garyare
8:30-9:10 Warbixinta Masjidka
9:10-9:50 Q&A, Du’ah and Conclusion

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag