Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kooxo Hubeysan oo Caawa Weeraray Guri uu Daganaa mid kamid ah Wasiirada Cusub ee Maamulka Jubba

Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa caawa weerar qorsheysan ku qaaday guri uu daganaa wasiirka macdanta, biyaha iyo bay’ada maamulka Jubba C/nuur Cabdi Aadan, waxaana israsaaseyntani ay socotay qadar daqiiqado ah.

Kooxihii weerarka soo qaaday iyo ilaalada wasiirka ayay dhexmartay israsaaseyn xooggan.

Waxaana halkaas ka dhashay qasaaro nafeed iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.

Ayadoo ay ciidamada ilaalada wasiirka ay xabadoodii la haleeleen mid kamid ah dadkii weerarka soo qaday oo la sheegay in kamid ahayeen kooxda  Alshabbaab.

Ilaa iyo hada mana jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo arintan ka hadlay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee lagu qaado masuul ka tirsan wasiirada cusub ee maamulka Jubba tan iyo intii lagu dhawaaqay.

Ceegaag Online 

Kismaayo-Somali

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply