Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kooxda Wigan Athletic oo ceebeeysay Xiddigaha Malaayiinta ku fadhiya ee Manchester City (Sport News)!!

Kooxda caanka ah ee Manchester City ayaa waxaa qabsatay ceeb weeyn iyo fadeexo taariikhi ah ka dib markii koobka FA-Cup oo gudaha dalka Ingiriiska qaali ka ah ay ka qaaday naadiga Wigan Athletic. Kulankii Fiinaalka ahaa ee koobkaan oo ka dhacay garoonka weeyn ee Wembley Stadium ayaa waxaa 0-1 lagu qararamsaday kooxda Manchester City

Naadiga Wigan Athletic oo horyaalka Ingiriiska kaga jira kaalinta 18-aad waxa ay qarka u saaran yihiin inay galaan kooxaha heerka labaad ee horyaalka Ingiriiska. Kooxda Wigan Athletic oo Taariikh ahaan jirta 81 sano waa markii ugu horeeysay oo ay qaadaan koobka FA-Cup.

Goolka agoonka ah ee kooxda Wigan Athletic ku badisay waxaa dhamaadkii ciyaarta daqiiqadii 91-aad u saxiixay ciyaaryahan Ben Watson. Isla dhamaadkii ciyaarta daqiiqadii 84-aad kooxda Manchester City waxaa 2 Jaale oo Rooso isku noqday laga siiyay xiddiga Qaranka Argentina Pablo Zabaleta .

Kooxda Manchester City oo koobka FA-Cup taariikh ahaan heeysata 5 jeer ayaa kulankaan waxa ay heleen 1 jaanis oo gool lagu dhalin karay waxaana fursadaas qaaliga ah ka qasaariyay daqiiqadii 29-aad weeraryahanka Qaranka Argentina Carlos Tevez.

Arinta ugu yaabka badan ee Telefishinada caalamka soo daayeen ayaa waxa ay tahay xiddigaha kooxda Manchester City oo ku fadhiya Aduun dhan 244,5 Milyan oo Euro halka xiddigaha naadiga Wigan Athletic lagu sheegay inay ku fadhiyaan qarash dhan 11,5 Milyan oo Euro.

Macalinka kooxda Wigan Athletic koobka u qaaday waxaa lagu maga caabaa Mr. Roberto Martinez wuxuuna u dhashay dalka Spain. Kulankaan oo ay ka soo qeeyb galeen in ka badan 85.000 oo Taageerayaasha labada kooxood ah waxaa xiddigaha Man City qaab ciyaareedkooda aad u dhaliilay Tababare Roberto Mancini oo u dhashay dalka Talyaaniga waliba leeyliya kooxda Man City.

Kooxda Wigan Athletic oo qaaday FA-Cup 2013 ayaa waxaa lagu wadaa inay si toos ah uga qeeyb gasho koobka Europa League oo loo fasaxay inay ka soo qeeyb galaan kooxaha soo qaado koobabka dalalkooda.

GARYAQAAN

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag