Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kooxda Damuljidiid ayaa khaarijisay Taliyaha ciidanka Booliska ee Soomaaliya

Liiska dadka loo xirxiray sumeeyntii Taliyaha Boliiska -Maqaayadii uu ka cabay -“dhaqtarkii iyo Farsamada Ruuxaanta Damujadiid u khaariyeen” Waxyar kadib markii la xaqiijiyay inuu Geeriyooday Taliyahii Boliiska Jeneral Mohamed Hassan waxaa Isbitaalka uu ku dhintay ee Umah Hospital la wareegay Ciidan wata gaadiidka dagaalka kuwaas oo ka tirsan guutada taliska qeybta Barri.

 Ciidanka la wareegay Isbitaalka Umah oo ay la socdeen Saraakiisha dimbi baarista C.I.D waxay galeen Isbitaalka 5-tii Galabnimo . Isbitaalka oo ku yaal degmadda Cabdi Casiis ee Muqdisho waxay Ciidamadda galay ka kaxeeysteen Dr Ibrahim Koliija oo dhaqtar Somali Kenyan ah ,ahna dhaqtarka  guud ee Isbitaalka. Ciidanka Guutada Barri waxay sidoo kale kaxeeysteen Kalkaaliyeyaashii Isbitaalka gaar ahaan Kalkaaliye lagu magacaabo Cabduqadir oo kiiska Taliyahii geeriyooday qaabilsanaa.

Ciidanka dimbi baarista CID waxay sawirteen oo Copy laga siiyay Warqadahii dawada lagu dabiibay Jeneral Mohamed Hassan.Wadooyinka Isbitaalka Umah ayey xireen Ciidanka Boliiska iyo kuwa Nabadsugida ,iyadoo dib loo celiyay Bukaano loo waday Isbitaalka hasse yeeshee waxay ugu dambeyn ka baxeen caawa saacadu markeey aheyd 8:30 Fiidnimo.Ciidanka Boliiska markeey ka baxeen Umah Hospital waxay markiiba xireen Milkiilaha maqaayada Banaadir Beach oo ku taal Xeebta Liido Muqdisho. Milkiilaha Xabsiga loo taxaabay waxaa lagu magacaabaa Gurey. wuxuuna u dhashay beesha Hawiye gaar ahaan Abgaal Cismaan,Waceeysle ,Maxaa cade ama MaxamedCase taas oo ka dhigan inay isku heyb hoose yihiin Madaxweyne Garguurte.

Isla daqiiqadaha la xiray Gurey waxay Boliiska Xabsiga u taxaabeen Gudoomiye ku xigeenka Degmadda Cabdi Casiis, Mr Hassan Abukar Hassan oo la joogay taliyaha markii sunta uu ka laacay.  Gudoomiye ku xigeenka degmadda Cabdi Casiis wuxuu u dhashay Hawiye gaar ahaan Abgaal,Wacbuudhan,Reer Mantaan. Maqaayadda Banaadir ee ku taal Xeebta Liido waxay aheyd halka uu ka qaxweeyay Taliyaha Geeriyooday allaha u naxariistee Jeneral Mohamed Hassan. Jeneral Mohamed Hassan ayaa markii uu dhameeyay shaah uu ka cabay maqaayada  Banaadir waxaa durbadiiba garaacay wadnaha,isagoo xididada jirkiisana barareen. Ila wareedyo muhiima waxay xaqiijiyeen in Sunta loogu deray Cabitaanka uu Maqaayada Banaadir Beach geeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Cali Saciid Abtidoon oo ay ilma adeer yihiin Milkiilaha Maqaayada ee la xiray.

Ra’isulwasaare Cabdiweli Yuulka oo la wareegay la socodka hoowlgalka lagu baaraa geerida Jeneral Mohamed Hassan wuxuu si degdega u magacaabay Guddi heer Wasiiro kuwaas oo baaris ku sameeyn doono geerida Jeneralka. Gudigga la magacaabay waxay kala yihiin.

  • 1- Ra’isulwasaare ku xigeenka Xukummadda Mr Ridwaan Xersi.
  • 2- Wasiirka Warfaafinta Mr Mustafe Dhuxulow
  • 3-Wasiirka Amniga Khaliif Ereg
  • 4-Wasiirka Caafimaadka Cali Maxamed Maxamud
  • 5-Wasiirka Beeraha Cabdi Axmed Baafo

Guddiga waxay ka tashanayaan in Meeydka Taliyaha dhintay loo qaado dibadda si baaris loogu sameeyo iyo in dhaqaatiir Caalamiya loogu geeyo Muqdisho. Jeneral Mohamed Hassan oo aad ugu dhawaa Ra’isulwasaare Yuulka wuxuu kooxda Damujadiid ka diiday inuu xilka iska casilo. Sirdoonka Dowladda waxay xaqiijiyeen in guutada Ruuxaanta Damujadiid sumeeysay Taliyaha sidaasna u dhintay. Ujeedka ugu weyn ee Damujadiid u dishay Taliye Mohamed Hassan wuxuu yahay inay qalqal geliyaan Ra’isulwasaaraha. Shir saacado badan socday oo dhexmaray Wasiirka Xanaanada Xoolaha Faarax Cabduqadir,Taliyeyaashii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka AbdullahiSanbaloolshe iyo Bashiir Goobe,Wasiirkii hore ee Amniga Abdikariim Hussein Guled iyo Agaasimaha guud ee Arrimaha gudaha Cali Saciid Abtidoon ayaa lagu go-aamiyay in la sumeeyo Jeneral Mohamed Hassan sida Warbaahinta Waagacusub ogaatay.

Wasiir Faarax Cabduqadir wuxuu xilka Taliyaha Boliiska u ballanqaaday in loo magacaabi doono Bashiir Goobe,waxaana lagu wadaa in xilkaas loo dhiibo Bashiir. Khilaaf meel xun gaaray ayaa Jeneralka dhintay kala dhaxeeyay Bashiir Goobe iyo Sanbaloolshe oo aad ugu ciil qabay. Hadii Bashiir Goobe loo magacaabo Taliyaha Boliiska waxay xaqiijin doontaa sheekada shirkoodii xalay ee Muqdisho ka dhacay kaas oo lagu agaasimay hoowlo ay ka mid tahay in la sumeeyo Jeneralka Boliiska heystay Mohamed Ilkasiibe . Ra’isulwasaare Cabdiweli ayaa si degdega Taliye ku meelgaara ugu magacaabay Boliiska Gasgas oo la qabiila Madaxweyne Garguurte.
Taliyaha cusub ee Boliiska Mr Gas gas wuxuu u dhashay Abgaal waceeysle.

Beesha Waceeysle waxaa ka dhashay Madaxweyne Garguurte iyo Taliyaha Nabadsugida iyo Sirdoonka Cabdiraxmaan Tuuryare. Lama oga ujeedka uu Ra’isulwasaare Yuulka ka leeyahay inuu taliyaha Boliiska u magacaabo nin u dhashay beesha Waceeysle. Sikastaba ha ahaatee, Hadii qarax dadka lagu dili jiray hada waxay Damujadiid bilaabeen inay sun ku dilaan Masuuliyiinta taas oo ka dhigan inay Ruuxaanta Damujadiid ka halis badan tahay Amniyaatka Al-Shabaab.
By Dahir Alasow
dahir.alasow@waagacusub.net

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply