Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Khudbadii Siilaanyo iyo dadka la haybsooco(Qalinkii Hussein Dualeh Daahir)

Waxaa mahadleh allaha maamulkani koonkani ay gacantiisa ku jirto. Adduunkan aan ku nool  nahay waa meel aad u dhibaato badan ,waa meel aan u joogno imtixaan waxaana if iyo aakhiroba ku liibaana qofka Ilaahay waafajiyo jidka toosan.maamulka isku magcaabay soomaaliland waxaa wada dega dadyow badan kuwaasi oo mudnaa inay u sinaadaan dhib iyo dheef waxii yimaada ,waxaase taas bedeshay in dadka qaybo ka mid ahi ay dhibaatada keliya ay qayb ka helaan balse aan dheefta  laga talo gelin, lama eedayn karo qofka mindida daabka  haya keliya ,Haddii aanu dhibanahu xaqa ka maqan ku baraarugsanay.
(Soomaalida ayaa tiraahda nimaan hadlin habartiis wax ma siiso) Haddii aan dulucda  u soo daadego Dadka la hayb soocaa waxay degaan dhammaan degaanada jamhuuriyada aan weli aqoonsiga helin taas oo aan filaayo waxyaabaha hor taagan inay ka mid tahay cadaalada darada degaamadaas haraysay,iyadoo  aanay jirin meel dadkani xushmada iyo inaay muwaadiniin yahiin looga aqoonsan  yahay gebi ahaan soomaaliya, qormo hore ayaa jirtay oo aan ciwaan uga dhigay ( muwaadin aan xaquuq lahayn).
Dadkani waxay ka qatan yahiin dhammaan xaquuqdii ay dadka ula sinaayeen sida waxbarashada, garsoorka, caafimaadka iyo shaqada. golayaasha kuma laha cid ay doorteen,xubno kuma laha saraakiisha booliiska ,milateriga iyo xabsiyada, intaas aan soo xusay haddii la waayo waa hubaal inay yihiin kuwa ay ku dhacayso dhibta ugu badani, waxaana tusaale u ah arintii caynaba oo gabdho aan waxba samayn markii maxkabadii tiri dembi ma laha sidii cadaaladii loo weeraray, Boorame waxii la mariyey dad aan waxba gaysan, arintii Ceerigaabo oo gabar la qabay lagu qabsaday ninkii ay ooridiisa ahay iyo kuwo kale oo xanuun badan oo  la diiwaan geliyey,  oo ah bar madow oo ku taal taariikhda jamhuuriyada aqoonsiga raadinaysa.
dadkni waxay degaan magaalo kasta oo ka mid ah maamulka is magcaabay, tartan kuma heli karaan maamul degmo, gobol iyo mid qaran toona waayo waa looga badan yahay,wax kasta oo horumarka wadanka waa ka qayb qaataan, waxay bixiyaan cashuurta  degaan walba,balse  waa dulmanayaal ,cadaalada iyo dulmiga oo laga fogaado ayaa cid walba dani ugu jirtaa, waxaa ah wax aad u xanuun badan qowmiyad dhan oo xaqeedu maqan yahay  inuu siilaanyo yiraahdo( waxaan labada gole ka codsanayaa in dib loo eego Dumarka iyo dadka la haybsooco) ,waa iga su,aale dumarka odaygu ka hadlayaa waa reerkee? haddii uu ka wado dumarka somaliland ,maxaa diidaaya in dhalinyarada, wadaada iyo odayaasha arintooda dib  ha loo eegoSoomaalidu waxay tiraahdaa (laba ceerinka ku qaybsatay bisalka iskuma cawrido) ma jirto cid xaquuqi ka maqan tahay oo aan ahay qowmiyada gabooyaha waxaan cod dheer ugu sheegayaa labada gole iyo maamulka halkaas ka jiraba inay dadkaas xaqooda meel saaraan soona af jaraan dulmiga aan joogsiga lahayn.
Haddi la rabo in cadaaladi timaado waa in ay si dhakhso ugu dhaqaaqaan ficil iyagoo raacaaya arimahan:
1- waa in dadka golayaasha laga siiyo dad ay soo doortaan aan loo doorin waana in aanay tartan gelin waana in laga helo degaan walba cid dadkan metesha.
2- waa in la siiyo mashruuc lagaga caawinaayo xaga waxbarashada caruurta qowmiyada gabooyaha waan inay arintan maamulaan dad  gabooye ah waayo iyagaa xanuunkooda og hana lagula xisaabtamo waxii ay qabteen.
3- waa in si dhakhso ah looga  magcaabo magaalooyinka waaweyn dad gabooye ah oo la shaqeeya Booliiska ,cusbitaalada, Maxkabadaha, xabsiyada iyo wasaarada shaqada.
4- waa in qayb fiican laga siiyo ardayda gabooyaha deeqaha waxbarashada debada ee wadanka la siiyo.
dadka gabooyahu waxay ka bixi karaan waajib kasta waxayna buuxin karaan meel walba sida maamulka ,cadaalada ,waxbarashada iyo caafimaadka waana kuwa og dhibta dadkooda oo dadkooda waxaan ku qowmiyda gabooyaha ku baraarujinayaa inay ilaaliyaan midnimadooda waana in ka fogaadaan in  aanay arintoodu noqon sheekadii sadaxda dibi.waana inay ku baraarugaan in aan qaryadi caloowe kala jeclayn.
Wa bilaahi towfiiq
waa Qalinkii Hussein Dualeh Daahir  daahirjama@yahoo.com
St louis   Missouri  USA

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag