Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Khaatumo STATE astaan u taagan midnimada iyo jiritaanka qaranka Soomaaliyeed.

Taariikhdu waa keyd ma guurto ah oo aaney cidini dabooli karin lagana dheehdo wixii hore usoo dhacay oo dhan , halgankii qaraaraa iyo dagaalkii dhiiga badani ku daatay ee lala galay gumeystayaasha ayaa si cad u muujinaya doorka sida dayaxa oo kale u muuqda ay qabiilada Soomaaliyeed qaarkood ku lahaayeen XORNIMADA aynu maanta harsaneyno.

Bal isweydii sayid Maxamed Cabdulle xasan oo degaan iyo awood qabiil midna ku laheyn sida ay ugu suura gali laheyd in uu NUGAAL fariisin ka dhigto , dagaalna kula galo gumeystihii Ingiriiska isagoo aan helin taageeradii hiil iyo hooba laheyd ee ay DHULBAHANTE la garab istaageen ? halka ay qabiilada qaar u gurbaan tumayeen gumeystayaashii Ingiriiska, talyaaniga iyo Ethiopia.

Isbadal mug leh ayaa dhacay dadkii isku duubnidooda iyo halgankoodu uu fikta sare ahaa xaalkoodu maanta ma fiicna waxaana ku dul habsaday bur bur lixaad leh oo u horseeday in la kala jiito ayna lunto sharaftii iyo haybadii ay ku dhex lahaayeen Qaranka Soomaaliyeed.

Waxaa si cad u muuqaneysa in xafiiltanka iyo isheys heysadka DHULBAHANTA dhexdiisa ka jirto ay horseed u noqotay waxa maanta aynu wada arkeyno ,bal fiiri hadii deegaanada DHULBAHANTE SOOL iyo SANAAG laga gooyo Somali Land iyo SILAANYO maxaa usoo haraya ? sidoo kale hadii deegaanada NUGAAL , SOOL iyo SANAAG laga jaro Puntlan iyo GAAS maxaa u soo haraya ?.
Waxaa nasiib daro ah in la”iska indha tiro xaqiiqda dhabta ah ee jirta , Beelaha ISAAQ iyo MAJEERTEEN oo kala huwan magacyada SOMALI LAND iyo PUNTLAD marna ma ay hor istaagi KHAATUMU STATE hadii la helo DHULBAHANTE isku aragti ah hal meelna u wada jeeda , waxeyna arintan u baahan tahay in marka hore la’iska iloobo wixii khalad hore u dhacay oo dhan.

TABAN TAABADEY LABO GACMOOD TABAR KU YEESHAANE
TISKA WAXAA LA QAADAA HADEY TIIRISAA BIDIXE
HADEY MIDIGTU KALI TAAGAN TAHAY TAHAR MA GOYSEENE.
Madaxweyne Dr. Cali KHaliif Galeyr waxaa la gudboon in uu u istaago mideynta reer khaatumo taas oo horseedeysa in la helo KHAATUMO STATE xor ah shacabkeeduna NABAD iyo HORUMAR ku naaloonayaan oo aan qabiil kale wax dhibaato ah u geysaneyn, waxaase taa ka horeeya halgan siyaasadeed iyo cudud milateri oo suura gal ka dhigaya hadafka la hiigsanayo.
Beelaha ISAAQ ( SOMALI LAND ) iyo MAJEERTEEN ( PUNT LAND) marnaba raali kama noqonayaa KHAATUMO STATE sidaa darteed madax weyne Dr. Cali Khaliif ayaa looga fadhiyaa in la helo hab looga badbaado labada cadow ee hortaagan KHAATUMO STATE, waxaana dhibaatada ugu weyn u keenay KHAATUMO STATE iyagoo aaminsan midnimada iyo Qaranimada Soomaaliyeed ee muqadaska ah.

Qabiil qaran ma noqon karo, Sidoo kale Qabiil Qabiil kale ma gumeysan karo, waxeyse dantu ku jirtaa in nabad iyo deris wanaag lagu wada noolaado la’iskana iloobo qabka dhalanteedka ku dhisan , waxaanse gaba gabadii leeyahay KHAATUMO STATE ASTAAN ASTAAN U TAAGAN MIDNIMADA IYO JIRITAANKA SOOMAALIYEED.
QALINKII QORAA SARE.
MUSE MOHAMED OSMAN
muusekiimiko99@hotmail.com
muusekiimiko@gmail.com

 source: somaliwayn.org

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply