Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kenya oo Somalida Qoxotiga ah ku amartay in ay bari ka baxaan Nairobi iskana xadiriyaan Dhadhaab iyo Faarax Macalin oo arintaa ka biyo diiday

Dowlada Kenya ayaa waxaay soo saartay Wareegto ay ku farayso qoxotiga Somalida ah ee ku nool Magaaloyinka waweyn ee Wadanka Kenya in ay ka guraan. Somalida ka shaqaysata Magaloyinka waaweyn ee Wadanka Kenya ayaa waxaa lagu amray in ay iska xaadiriyaan Xerada Qoxootiga ee Dhadhaab ee ku taala Waqoyi bari wadanka Kenya.

Wareegtadan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay Masuliyinta Somalida Kenya ugu jira Dowlada Kenya oo uu horkacayo Gudomiye kuxigeenki hore ee Barlamanka Kenya Farax Macalin. Farax Macalin ayaa waxaa uu shegay in waregtadaan ay tahay mid aan laaqbali karin islamarkana mujinaaysa midab kala soc ka bilowday Wadanka Kenya.

Magaaloyinka Nairobi,Mombaasa,Nakuru,Kisuumu,Isiolo,Gaarissa iyo Wajeer ayaa waxaa ku nool Somalibadan oo anan haysan Sharciga Wadanka Kenya waxaayna magaloyinkaasi ka hayaan shaqoyin u badan ganacsi ay ayagu leyihiin. Arinkaan ayaa waxaa uu noqonaya mid sameyn weynku yeesha Nolosha kumanan Somali ah oo ku nool Magaloyinka waaweyn ee Wadanka Kenya.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag