Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ka goynta Maamulka Puntland, Khaatumo iyo Maakhir makala goynta Soomaaliyaa!!!!!

Warar hoose oo na soo gaadhaya ayaa sheegaya in ladoonayo dhulka horay loo’oran jiray  “Waqooyi” ladoonayo in gabi ahaanba laga goynayo dhulka horay loo’oran jiray “Koonfur”.

Dhinaca kale sida dhibka yar ee Maamulka Puntland geeska ugu riixayo deegaanada Khaatumo iyo Maakhir ma u muuqataa in ladoonayo in lagu daro Maamulka Somaliland oo hab Federala laysugu geenayo mustaqbalka dhaw.

Halka la’dardar galiyay Federaaleenta Koonfurta Soomaaliya oo lagu daabuleenayo ciidamo Shisheeye loona diidan yahay in dawlada Soomaaliya yagleelato ciidan qalabsida oo hanankara amaanka dalka guud ahaan.

Soomaalida ayaa aad caan ugu ah baabiinta hadba Maamulka markaa talada haya balse waxa muuqata inaan la filayn maamul ka wanaagsan maamulka madaxwayne Xasan Sheekh inaanu dalka ka soo socon waayadan. Madaxwaynaha kooxdiisa ayaa u muuqda kuwo ku mashquulsan iska ilaalinata hadhkooda qaarna ku mashquulsan yihiin kadheereenta hadhkooda. Halka looga fadhiyay horumarinta dalka iyo Dimuqraadiyeentiisa.

War jiraaba Cakaaruu iman ma jirto ilaa hada cid ka hadashay sababta khilaafka dhex dhigtay reer Puntland iyada oo la’ogyahan khilaafka reer Somaliland iyo reer Khaatumo inuu salka ku hayo Gooni isutaaga. balse dadka qaarkii ayaa ku macneenaya in Maamulda ka dhashay Jabhadihii SSDF iyo SNM ay doonayaan inay ka aargutaan NNS tii Maamulkii Siyaad Bare. Hadaladaa oo ah kuwo xaqiiqda ka fog. Balse sida wax u socdaan in la’diyaarinayo awood lagu muquuniyo dadka oo ladoonayo in dhulkooda laga dhaxal wareejiyo ama si awoodooda loo wiiqo loogu qasbo kala qobqob u qaabeesan 5tii horay loogu kala qobqobay.

Maqaalkan ayaa ah mid wakhtigiisa kasoo hor maray balse aan ahayn mid xaqiiqada ku fadhiya looguna talo galy in maskaxda aad ka shaqaysiisid, ahna mid adorasaya shaki tafatiraha qorayaa ka qabo saxansaxada saansaanka siyaasadeed ee Soomaaliya maaanta maraso.

Waxaan Sugnaaba waa qaabka iyo sida loo sameeyo maamulka rasmiga ah ee Khaatumo bisha April ee fooda inagu soo haysa.

Tafatiraha

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply