Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

JWXO oo marti ku ahayd madasha 60ka/Dhagayso: Maxamed Rashiid Sheekh Cabdulaahi Madasha 60ka lagaga waraystay Isbadalka Itoobiya kasocda iyo Kaalinta ONLF

Iyada oo uu midha dhalay halganka hubaysan ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeeniya maalin dhawna ay ONLF ka talindoonaan gayiga Ogaadeeniya gaadhsiina doonaan in dadyowga deegaanadaa Soomaaliyeed inay taladooda gacantooda soo galiyaan ayaa waxaa madasha 60ka lagu waraystay Masuuliyiin ka tirsan Dhaqdhaqaaqaa Xarnimo u raadiska dhulka Soomaaliyeed ee Ogaadeeniya.

Maxamed Rashiid Sheekh Cabdulaahi ayaa sheegay sida ay u burburaso dawlada Itoobiya iyo sida wadamada reer Galbeedku ay doonayaan cidii ay Tigreega dalkaa haysta ku badali lahaayeen. Halka ay Oromadu ku dhacday dabinkii ay ONLF ku dhici wayday oo ahaa in laga dhigo ratigii heeryadiisa cunayay oo  laga horkeenay Soomaalida oo ay ku lumiyeen fursadii ay u heli lahaayeen inay hogaanka Itoobiya u dhuftaan markoodii u horeesay taariikhda Itoobiya.

Waraysiga qaybtiisa 1aad oo lagu qaadaa dhigay Xaalada Itoobiya, Fursada Tigreegu ku sii haysan karaan xukunka Itoobiya. Xaalada Ogaadeeniya oo Soomaali Gacanta ku hayso xukunkooda haatan iyo siyaasada ONLF.

Dhagayso..

 

Qaybta 2aad waxaa su’aalo waydiiyay Maxamed Rashiid Sheekh Cabdulaahi qaarkamida mudanayaasha iyo marwooyinka madasha 60ka. waxayna su’aaluhu ahaayeen kuwo aad u adag oo si qoto dheer lagaga hadlayay xaalada deegaanad a Ogaadeeniya. Waxaana Su’aalaha qaar ka jawaabay Marwo Safiya iyo mudane Xidhgal oo ka tirsan Jabhada ONLF.

 

Qaybtan 3aad waxaa dardaaran u jeediyay shacabka Soomaaliyeed Maxamed Rashiid Sheekh Cabdulaahi  iyo Marwo Safiya iyo mudane Xidhgal.

 

 

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply