Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Joogida Ciidamada Amisom Yay Dani ugu Jirta

Joogitaanka ciidamada Amisom ee koonfurta dalka somaliya yay dani ugu jirta. waa qormo kooban oo aan is iri way haboontahay in shacabka somaliyed indhahooda lagu duwo iyo dowladaba, iyadoo ay tahay arin laga wada dharagsan yahay hadana is xusuusin iyo isbaraarujinba waynu ubaahanahay marka si wadaniyada aynu wadan keena ugu heelalanay, waxbadan ayaa hagaagidoona qofwalba inta awoodiisa ah ee dhanka wanagsan uu soo bandhigo,

Lagasoo bilaabo 2007 sitoosa ayay ugu soo qul qulayen ciidamada midowga africa Muqdisho iyo hareeraheeda iyagoo loo soo dhamaystiray saanadooda milateri, ciidamadani oo haysta awood aysan xaq ulahayn meeshana ka qabta shaqooyinkii loo idmaday kuwaan ahayn, dhaqaale aanan lasoo koobi karina ku qaata joogida Konfurta somalia ayaan garan waayay cida danta dhabta ah ku qabta, waxaanu ognahay masuuliyinta sare ee dowlada somaliya inay dhibato kala kulman gudashada shaqadooda sida ayla boorada iyo dakadaha oo ay cidamada Amison awod buuxda ku haystan, Sarakisha iyo ciidamada somaliyedna waxadba moda shaqale ka hoos shaqeeya ciidamadan afrikan ka ah, Ciidamadan oo tacadiyo toos ah iyo kuwa dahsoonba ka gaysta wadanka gudahiisa ayaysan dowlada somalia awood ulahayn inay la xisaabtanto dhac iyo boob xoolaha iyo hantida dadwaynaha, kufsi iyo barakicin dhuleed oo xoogan ayay ku hayan shacabka somaliyed dakadaha iyo Asidaa si le eg laga soo bilaabo dowladii cabdi qasim ilahada dowlada somalia u dhisan waxa laqorayay ciidama soo maliyed oo qaar kamida lagu soo taba baro wadamo kabaxsan somalia halka kuwakalana xerooyin ku yaala somalia intaa taba baro loogu sameeyo marba waxaanu maqala dhowr boqol oo askari ayaa tababar kasoo baxay,

Talo soo jeedin

Waxaan ku talin laha markii latababaro 100 askari oo somali ah inay shaqada kala waregan 100 askari oo ciidamada Amisom ah halkaana looga siiwado musharkii iyo gunadii lasiinayay askariga kale iyo saanadihisii oo dhamaystiran ilaa wadanka lagawada saarayana sidaa lagu wado, hadase waxaa qalbi xumo meelaha lawada fadhiya sarakiishii iyo askarti somaliyed oo arkaya wixi ay xaqa u lahayen in

lasiinayo askar ka aqoon liidata wadankana ay uga xuquuq badan yihin, tacadigan wuxuu keenay inay askartii somaliyed hubka lasiiyo iibsadan, inaysan sitoosa u gudan waajibaadkii askarinimo, inay lashaqaystan dadka cadowga ku ah dowlada iyo arimo kale, taasi waa talada aan usoo jeedinayo masuuliyinta hada joogta iyo kuwa mustaqbalka si aysan unoqon somalia mid ay laweragan ciidamo shi sheeya ah,

Gunaanad

hadan dib ugu laabto su aashii aan iswaydiiyay ee ahayd yay dani ugu jirta joogida cidamada Amisom, waxaa iisoo baxday inay Dowlada iyo shacabka somaliyedba dani ugu jirin ee gacmaha shisheeye ee dibin daabyada kuhaya horumarka iyo midnimada somalia iyagoo u adegsanaya caada qaate somaliyed inay sida ku jogan kuna fuliyan dana gaara oo qotadheer.

by Gateway

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply