Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

John Kerry oo muxaadaro ka jeediyay masjid ku yaala dalka Jabuuti

Xoghayaha arrimaha dibada Dowladda Mareykanka John Kerry oo ku sugan dalka D’jibouti ayaa muxaadaro ka jeediyay masjid ku yaala magaalada Jabuuti, wuxuuna ka hadlay arrimo ku saabsan Islaamka saxda ah iyo argagixisada farqiga u dhaxeeya.

John Kerry ayaa sheegay in kooxaha argagixisada ah aanay wax raad ah ku lahayn diinta Islaamka, isagoona sheegay in Muslimiinta caalamka ay la kaashanayaan sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha argagixisada ah ee dhibaatooyinka ku haya dalalka caalamka.

Masjidka uu muxaadarada ka jeediyay John Kerry oo lagu magacaabo Salman Ibn Cabdulcasiis ayaa ku yaala bartamaha magaalada Jabuuti, wuxuuna xoghayuhu u ballanqaaday in dowladda iyo shacabka Jabuuti uu kala shaqeynayo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ugu baaqay Muslimiinta caalamka in meel looga soo wada jeesto kooxaha argagixisada ah ee ka been sheegaya diinta Islaamka.

Dhinaca kale John Kerry ayaa la kulmay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoona booqashadiisa ay ku soo beegmeyso xilli Dowladda Mareykanka saraakiil ka tirsan ay ka deyriyeen ammaanka dalkaasi inuu faraha ka sii baxayo.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply