Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jeneral Maxamed Aadan ‘Laangadhe’ oo la wareegay xilka hogaaminta CXD Somaliyeed

Ceegaag, 24 September 2015: Muqdisho.  Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta hortiisa lagu dhaariyey Taliyaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo Abaanduulaha Cusub ee Ciidammada Xoogga Dalka, S/Guuto Cali Baashi Maxamed Xaaji Cumar.

Xafladda dhaarta oo ka dhacdey xarunta Madaxtooyada, ayaa Madaxweynaha hadal uu ka jeediyay waxaa uu kula dardaarmey madaxda cusub ee ciidammada inay meesha ka sii wadaan guulaha iyo horumarka uu ciidanka sameeyay muddadii ay xilka hayeen madaxdii ka horeysey.

“Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay ku talaabsadeen horumar la taaban karo, dowladduna muhimad gaar ah ayay siineysa inay daboosho baahida ciidanka. Cadowga nabad diidka ah waxaa la gaarsiiyey jab xooggan, taana waxaa abaalkeeda leh ciidammada Xoogga Dalka oo garabsanaya AMISOM. Waxaan idin kula dardaarmayaa inaad ka faa’ideysataan horumarka ay sameeyeen taliyeyaasha idinka horeeyay, isla markaana aad ka shaqeysaan tayeynta ciidanka iyo inaad waddanka u horseeddaan inuu nabad buuxda gaaro’’, ayu yiri Madaxweynaha. Xafladda dhaarta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale.

-DHAMMAAD-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply