Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jaamacadda Plasma Oo Bur Burkii Kadib Si Rasmi Ah Maanta U Furtay Tartanka Kubadda Cagta Iskuullada

Tartankan Kubadda Cagta ah waxaa ka qeyb qaadanaya 128 Iskuul Arday ka kala socota, tirada ciyaaryahannada ka qeyb qaadaneysa waa 2,304 (Laba Kun, Seddex Boqol iyo Afar) Ciyaaryahan waxaana soo qaban qaabiyey islamarkaana taabagelineysa Jaamacadda Plasma oo ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn Dalkeenna.

Munaasabadda furitaanka tartankan Kubadda cagta ah oo galabta lagu qabtay garoonka Kubadda Cagta Banadir Ex-Conis Stadium  waxaa kasoo kasoo qeybgalay Masu’uuliyiin ka kala socotay maamulka Jaamacadda Plasma,Xiriirka Kubadda Cagta, intabadan kooxaha tartankan ka qeybqaadanaya iyo Daawadeyaal farabadan.

Gudoomiye ku xigeenka Jaamacadda Plasma Mudane Maxamed Sheekh Cali oo hadal kooban ka jeediyey Munaasabadda furitaanka tartankan ayaa xusay in Jaamacadda Plasma ay tartankan kubadda ah soo qabanqaabisay islamarkaana ay taabagelineyso oo aanay jirin cid ku taageereysa u jeedada ay u qabanayaanna waxa uu tilmaamay iney tahay in Jaamacadda Plasma ay dooneyso in la helo dhalinyaro Soomaaliyeed oo mustaqbal wanaagsan ku leh ciyaarta kubadda Cagta.

Gudoomiyaha Xiriirka Kubadda Soomaaliya Mudane Cali Saciid Guuleed oo isaguna ka hadlay munaasabadda furitaanka tartankan ayaa uga mahad celiyey maamulka Jaamacadda Plasma sida ay tartankan usoo agaasimeen maadaama ay tahay mudo ka badan 20 sano markii ugu horeysay ee tartan kubadda cagta ah loo qabto Iskuullada waxaana uu Jaamacadda u rajeeyey iney sanadka dambena soo qabanqaabiyaan tartanka Kubadda Cagta Jaamacadaha.

Ciyaartii ugu horeysay ee furitaanka koobka waxaa galabta isaga hor yimid kooxaha Carafaat VS Central African waxaana ciyaar xiisa laheyd oo dhex martay labada kooxood ay kusoo idlaatay 1-2 oo ay guusha ku raacday ciyaartooyda Iskuulka Central African,kulamada kalena waxaa lagu ciyaari doonaa garoommada Minishiibiyo,qoob dooro iyo garoonka Jaamacadaha, maalin walba waxaa ciyaari doona Lix Kooxood oo Seddexda guuleysata ay usoo gudbi doonaan wareegyada kale ee tartanka Plasma University Cup 2014.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply