Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jaaliyadaha reer Khaatumo ee Kunool Wadamada Canada iyo Denmar oo deeq lacageed soo gaadhsiiyey Bukaanada Ku jira Isbiaatla Dhex ee Buuhoodle iyo Qoysas Agoomo ah.

 
Qaarkamid ah Jaaliyada ka soo Jeeda Deegaanada Khaatumo oo Kunool Wadamada Canada  Denmark iyo Waliba Xawaalada Tawakal Laanteeda Buuhoodle ayaan Deeqo Lacageed Waxay soo gaadhsiiyey Qoysaska agoomaha bukaanada ku jira Isbitaalka dhexe ee buuhoodle iyo Waliba Dadka Danyarta ah ee Kunool Magaalada Buuhoodle.

 
Tirada Lacagtaasi ayaana gaadhsay ugu yaraan 3267$  ayaana maanta si habsami ah loogu Qaybiyey Waxana Lacagtaasi loo soo wakiisha Culumada Diinta ee Gobolka Cayn oo halkaasi ay goob joog ahaayeen shiikh Cabdi rashiid Xaaji Samatar, shiikh Mukhtaar axmed Xaaji faarax iyo Waliba Suldaan Siciid Cismaan Cali oo kamid ah Madaxda Dhaqan ee Gobolka Cayn.
 
 
Waxana halkaasi ka hadlay oo ka Warbixiyey goobtii lacagtu ay ka timid shiikh Cabdi rashiid Xaaji samatar oo u Mahad Celiyey Jaaliyadaha reer Khaatumo ee Kunool magaalooyinka Edmiton iyo Denmark, Waxana uu uu shiikh halkaasi Mahad uga Celiyey Dhamaan Jaaliyadahaasi Xiligani soo caawiyey Walaalahooda JIlicsan ee ku jira Bisha Barakaysan ee Ramadaanka.
 
Dhinaca kale Waxana isaguna goobta ka hadlay Suldaan Siciid Cisman Cali oo kamid ah Madaxda Dhaqan ee Gobolka Cayn Waxan uu Suldaanku u mahad Celiyey Cid kastoo gacan ka gaysatay gaar caawinta dadkani jilicsan gaar ahaan Jaaliyada reer khaatumo Waxana suldaanku intaasi ku daray in laga Wada Qayb Galo caawinta dadka jilisan Hoos ka Daawo Full Video
  
 
 
Cali Dhagjar’
Ceegaag.com
Buuhoodle
 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag