Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jaaliyada Soomaalida oo isu diyaarinasa Doorashooyinka Guud ee Duqa magaalada Boston

Jaaliyada Soomaaldia ayaa si toos ah isugu diyaarinasa Doorashooyinka guud ee Duqa magaalada Boston taasoo dhici doonta Talaadada November 05, 2013 ka. Jaaliyada oo horay ugu qaybsantay Doorashooyinka musharixiintii badnaa ee u tartamayay ayaa haatan isku raacay inay u codeeyaan John Connolly.

Sababaha keenay in ay u codeeyaan waxaa ka mid ahaa inuu musharaxan u yimid Jaaliyada waydiiyayna waxa ay doonayaan inuu u qabto halka musharaxa kale loo baahan yahay in loo tago oo la waydiisto waxa ay jaaliyadu rabto.

John Connolly waxa uu dadka wax badan ka gacan qabtay dhinaca waxbarshada iyo raashinka ay ardaydu ku quutaan Dugsiyada dadwaynaha halka musharaxa kale uu san wax xidhiidh ah la lahay Soomaalida sidoo kale markii uu booqanayay Roxbury Crossing uu Salaanta la dhaafayay dadka Soomaalida.

John Connolly waxaa uu balanqaaday in xafiiska Duqa magaalada markii ugu horaysay dadka Afrikaanka ah uu matali doono shaqsi Soomaalia ah.

In ciidamada amaanka lagu dari doono Soomaali waayo waxaa magaalada degan rag ka soo dagaalamay Ciraaq iyo Afgaanistaan oo u qalma in ay ku biiraan ciidanka amaanka.

John Connolly  wuxuu balan qaaday In luqada Afka Soomaalida lagu dhigi doono dugsiyada Dadwaynaha,  in uu samayndoono xarun Sports oo lagu naanaysi doono Somali House.

In uu yahay nin yaqaana Soomaalida in badana ku dhex jiray halka musharaxa kale ay wataan ragii deganaa daafaha magaalada ee ku qaraaban jiray codadka dadka Soomaalida ah. Dadkana ku beerlaxawsan jiray Muslinimada taasoo in badan Soomaalida lagu hoosaasiyay balse si cad dadku ugu baraarugeen inay u cadeeyaan cidii dantooda wada.

Wan-Wayn cirka indhihiisu ma eegaan ilaa la gawraco, Soomaalida reer Boston oo ugu danbay iska diiday in laga baayac mushtaro codadkooda lana baabiiyo jiritaankooda.

Waxaa laqabandoonaa wiigan in lasoo gudbiyo dhamaan tirokoobka dadka Codeenkara xaafad walba iyada oo loo xilsaaray xaafadwalba dadka degan. in lakireeyo meel jaaliyadu ku muujiso cududooda iyo cadadooda. in la diiwaan galiyo dadka doonaya inay ka shaqeeyaan ololaha doorashada. in maalinta doorashada la heegan galiyo dhamaan cududa Soomaalida lana muujiyo iyada oo dadka loo daabulayndoono goobaha codbixinta.

Shirkan dan ka hadalka ah ayaa ka dhacay Xarunta RIAC iyadoo  lagu gorfeeyay xaalada Caafimaad ee Soomaalida, xaalada Waxbarasho ee caruurta, Dhalinta ku xidhan Xabsiyada, iyo daryeelka Waayeelka iyo dadka naafada ah.  waxaana soo xaadiray Gudiga Talada Jaaliyada Soomaalida reer Boston oo kala ahaa

  1. Boqor Cabdulaahi Gurxan
  2. Suldaan Mahdi Cali
  3. Shariif Maxamed Idiris
  4. Halyay Siciid Axmed
  5. Digtooreesa Bacoriini
  6. Madaxa RIAC Maryan Gaas
  7. Kalakaaliso Fardawsa Suldaan
  8. Dhaqaaale Yahan Sahro Warfaa
  9. Marwada 1aad ee Khaatumo Luul Dhuux
  10. Hooyo Maryan Gudi
  11. Dhaqaale Yahan Naciimo
  12. Xuseen Fiin
  13. Cabdiraxmaan Hiiraamo
  14. Macalin Warfaa
  15. Sheekh Yuusuf
  16. Hooyo Raxme Shaybe

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag