Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Jaaliyada Khaatumo ee Gobolka Alberta oo tacsi ka diray Geeridii AUN Marxuumad Saado Cali Warsame.

Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Jaaliyada Khaatumo ee ku dhaqan Magaalada Edmonton ee dalka Kanada ayaa shacabka Soomaaliyeed, ka tacsiyeeyey dilka Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo kooxo dhagar-qabayaal ah shalay ku toogteen magaalada Muqdisho.

Saado Cali Warsame waxay ka mid ahayd fanaaniinta ay dadka Soomaaliyeed aad u jecelyihiin, isla markaana aan ku xasuusan karno wadaniyad iyo dal jacayl sidoo kale AUN Marxuumad Saado Cali ayaa ahayd Xildhibaanad qaran.

Waxaana Eebe uga baryanaa inuu qabrigeeda u Waasiciyo, Janadii Fardawsna ka waraabiyo, Qoyskii iyo qaraabadii ay ka tagtayna Samir iyo Iimaan ka siiyo AAMIIN.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply