Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Isku-shaandhayn lagu sameeyay golaha Wasiirada iyo Madaxii Damuljidiid oo Wasaarada Dastuurka laga Wareejiyay

Isku-shaandhayn ayaa lagu sameeyay golaha xukuumadda ayadoo dhowr wasiir la isku beddelay xilalkooda. sidoo kale wasiir ku xigeenno iyo wasiiru-dowlayaal ayaa xilalka loo kala wareejiyay.

Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa warbaahinta dowladda ka akhriyay wareegto ka soo baxday xafiiska R/wasaaraha oo lagu kala bedelay qaar ka mid ah xubnaha xukuumadda waxaana isku shaandheyntaasi ay tahay sidan hoos ku qoran:-

1-Wasiirka Wasaaradda Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Saalim Caliyoow Ibroow

2-Wasaaradda Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Mudane Faarax Sheekh C/qaadir

3-Wasiirudowlaha Wasaaradda Maalliyadda Mudane Burci Maxamed Xamsa

4-Wasiirudowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/laahi Maxamed Nuur

5-Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Dhiiragelinta Maalgashiga Mudane C/raxmaan Cabdi Cismaan

6-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maalliyadda Mudane C/laahi Sheekh Cali Qaloocoow

7-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mahad Maxamed Salaad

8-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Marwo Fahmo Axmed Nuur

Ceegaagcom

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply