Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Innaa Lillaahi waa innaa ileyhi Raajicuun Maxamed Maxamud Yusuf (Aw Libaax) oo ku geeriyooday qarax ka dhacay Muqdisho.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

”KULU NAFSIN DAA’IQATUL MOOTI”

Anagoo kala ah Jamaal Xaaji Cali iyo Cawil Axmed Xirsi Waxaan halkan tacsi uga direynaa dhammaan qaraabada iyo asxaabtii uu ka geeryooday Alle naxariistii janno ha ka waraabiyee Marxuum Maxamed Maxamud Yusuf (Aw Libaax)  oo qarax doraad ka dhacay magaalada Muqdisho ku geeriyooday, Waxaan leenahay oo Allah uga baryeynaa naxariis iyo  denbi dhaaf,  Janadii Fardowsa geeyo.

Alle ha unaxariistee Marxuum Maxamed Maxamuud Yusuf  (Aw Libaax), waxuu ahaa halgamaa ku caan baxay ka shaqeynta sidii loo soo celin lahaa dhismaha Dawladnimo qaran Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale wuxuu ka mid ahaa saxiixayaashii ansixiyey dastuurka ku meel gaarka ah Soomaaliyeed iyo waliba dhisitaankii maamul goboleedka Jubbaland.

Jamaal Xaaji Cali iyo Cawil Axmed Xirsi ayaa sidoo kale waxay tacsi u dirayaan dhammaan dadka ku geeriyooday qaraxaas waxashinimada ah ee Argagixisada Shabaabku ku badh tilmaameedsadeen, Waxayna leeyihiin samir iyo iimaan Ilaahay ha ka siiyo ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxaas.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply