Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Innaa Lillaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun Xaaji Cabdi Cali Faatax (Cabdi-baradho) oo ku geeriyooday Ottawa.

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

”KULU NAFSIN DAA’IQATUL MOOTI”

Waxaa Saaka ku geeriyooday Magaalada Ottawa ee dalka Kanada  Allaha u naxariistee Xaaji Cabdi Cali Faatax (Cabdi-baradho) oo si weyn looga ga yaqaannay loogana tixgalinjiray deegaanada Khaatumo.

Alle ha unaxariistee Xaaji Cabdi Cali Faatax waxa uu ahaa Nin ku caan baxay Diin Jacayl, Dal Jacayl & Dad Jacayl, Marxuumka ayaa ka mid ahaa Halgamayaashii usoo Halgamay Gobonimodoonkii Ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Gobolada Waqooyi.

Hadaba Waxaa Tacsi nasoo gaadhsiiyay C/qafaar Cali Wadaad (Xaaji), xaaskiisa iyo caruurtooda, Jamaal Xaaji Cali, xaaskiisa & caruurtooda, Abdulkadir Siciid Kaarshe, xaaskiisa & caruurtooda, Abdi Buraale, xaaskiisa & caruurtooda, Khaalid Maxamed Saalax Lacle, xaaskiisa & caruurtooda,  Abdiaziz mohamud faarax iyo xaaskiisa, Liibaan Fiin, xaaskiisa & caruurtooda, Mohamed C/llaahi Qoorleex, xaaskiisa & caruurtooda,  Yasiin Maxamed Awalle, Col. Cawil Axmed Xirsi, Riyaad Faarax Cali Cadmeed, Mohamud Maxamed Cali Ayax, Mohamed Muuse Ismaaciil (Buuni), Abdifatax Xaaji Maxamed Yuusuf Geedeeye, xaaskisa iyo caruurtooda, iyo Mohamed Ciise X. Ismail iyo xaaskiisa, dadkan oo dhamaantood kala jooga gobolada Ontario iyo Alberta ayaa tacsi u diraya reer Cabdi -baradho iyo dhamaan Reer Cali Faatax waxayna ILLAAHAY uga baryaya inuu naxariistii janno kawaraabiyo  AAMIIN…

Sidoo kale Dhamaan Bahda Ceegaag.com Ayaa tacsi u diraya qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday ALLE ha u naxariistee Xaaji Cabdi Cali Faatax (Cabdi-baradho) waxaanan leenahay Samir iyo Iimaan ilaahay ha idinka siiyo Marxuumkana Janadii Fardowso Alle ha kawaraabiyo. AAMIIN

Aamiiin. Aamiin. Aamiin.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply