Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Inaalilaahi wainaa ilayhi Raajicuun Raysalwasaarii 1aad ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Goor dhaway Geeryooday

Waxaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ku geeryooday Raysalwasaarihii 2aad ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Warsaw tacsi diraya Cabdulaahi Gurxan, Cabdiraxmaan Indho, Cabdulaahi South Kuuriya iyo Xuseen Fiin, waxay Tacsi-Tiiraanyo leh u dirayaan Qoyska Reer Xaaji-Xuseen  iyo Xaaskii uu ka geeriyooday Eedo Khadiijo Bulxan Warsame (Awdoon). Waxaana Eebe uga baryanaa inuu qabrigiisa u Waasiciyo, Janadii Fardawsna ka waraabiyo, Qoyskii iyo qaraabadii uu ka tagayna Samir iyo Iimaan ka siiyo AAMMIINN.

Sidoo kale Dhamaan Bahda Ceegaag.com Ayaa tacsi u diraya qoyskii iyo qaraabadii Raysalwasaaraha iyo shacabka Soomaaliyeed oo maanta ka dhacday  Xidig Taariikhdooda kamid ahi.

Waxaa Tacsi nasoo gaadhsiiyay Jamaal Xaaji Cali, Libaan Fiin iyo Janeral Maxamed Cali Abokor (Qawle) iyagoo tacsi u diraya Qoyska Reer Xaaji-Xuseen iyo shacabka Soomaaliyeedba Marxuumka ILLAAHAY uga baryaya inuu U danbi dhaafo AAMMIINN…

Waxaa Tacsi nasoo Gaadhsiiyay Cali Cawl Xuseen iyo Reer kiisa iyaga oo u tacsiyadeenaya reer Cabdisrisaaq Xaaji Xuseen waayna leeyihiin geeridu waa xaq e Samir iyo IImaan…

Waxaa kale oo tacsi nasoo gaadhsiiyay Ismaaciil Saleebaan oo tacsi u diraya qoyskii iyo qaraabadii Raysalwasaare Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Marxuumkana illaahay uga baryaya inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo AAMMIINN.

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply