Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Ilko Dheeridaa Ma Kuwaad Ku Dhalataa? W/Q: Axmed-Assad

Makhaayadii bay soo fariisteen maamulihii dugsiga iyo macaliimiintiisii uu casuumay oo tiradoodu sideed ahayd. Waa goor fiid ah oo ay makhaayada il-yartu is qatay, sheekada iyo bullaanka baxayana ay koox waliba goonideeda ugu camiran tahay.
“Waar hilib iyo raashin fiican noo keen yarkoow,” ayuu yiri maamulihii. Wiilkii markuu cuntadii soo dhameeyay ayuu hadana maamulihii waydiiyay “Adeer mindidii baad iga soo ilowdaye fadlan mid af leh ii keen.”
Mudalabkii (kabaryeerigii) oo adeegsiga badan ee maamulaha dhibsaday baa yiri, “Oday horta adigu ilka dheeridaa ma kuwaad ku dhalataa, mise waanay kaa dhicin!” wuxuu ugu talo galay inuu handaddo oo ka xanaajiyo.
Intaas k
agama harinne, maadaama uu maamuluhu ilko dhaadheer oo fiiqfiiqan lahaa ayuu wiilkii ugu sii daray “Nin ilkihiisu sida jiirka u miiq-miiqan yihiin, sida qaroobahana (afka xuurta) u dheer-dheer  yihiin, mindi uma baahnee oday ka bul dheh!”  Wuuna iska dhaqaaqay.
Macalimiintii oo ahaa kuwo gobollo kale laga soo bedalay oo aan waxan oo kale waligood hore u maqal ayaa yaxyax iyo amankaag afka gacanta saaray. Waxayna sii dhuganayeen dhinacii maamuluhu ka xigay iyagoo ka war-dhawrayay bal siduu af-lagaadada intaa le’eg uga jawaabi doonno.
Maamulihii markuu wax yar aamusnaa ayuu xusuustay tuduc ka mid ahaa gabaygii Raage Ugaas oo ahaa, “Hadaan ooyo dumar baan arkoo wax uma aaboobin, hadaan aamusnaadana naftaan i ogolaanaynin.” Markana wuxuu ku talamayay inuu sharaftiisa difaacdo iyo inuu iskaga gaabsado wiilka yar midkuu yeelli lahaa.
Wuxuu dareensanaa, haduu ka aamuso wiilka iyo haduu u jawaababa inay arintu tahay mindi laba af leh. Tani waxay la noqotay tii uu ina Xagaa Dheere ka lahaa “Hadaanu hadalnana waa noo af-salax ku dheg, hadaanu aamusnana ariga sida laga deyn maayo!” oo kale.
Rag talo kama dhamaatee, mar wuxuu is yiri, la dagaalan oo wiilkaa yarree dadka kugu hor ceebeeyay madaxa kala jeex. Hadana waxaa u muuqatay inay ceeb ku tahay maqaamkiisa in maamulihii dhammaa iyo wiil yar oo maqaaxiile ah la kala qab-qabto.
Marna wuxuu is yiri, raashinka la keenay iskaga kac oo ku xumee, taasina ceeb kale ayay ula muuqatay oo dadkuu casuumay inuu goobta kaga taggo waxay la noqotay sharaf dhac kale.
Wuxuu kaloo is tusay inuu iska aamuso, misana way la noqon wayday oo wuxuu ka cabsaday inay tani jid cusub oo ay tabar-darro ka muuqataa uu ku furmo. Ugu dambayntiise, wuxuu isku qanciyay inuu xaaladda dhinac kale uga wareeggo oo mulkiilaha meheradda leh iyo maamulkiisa u dacwoodo, ayay talo kaga soo ururtay.
“Waryaa maqal haye, adeer bal ninka meesha masuulka ka ah noogu yeer,”  ayuu yiri maamulihii isagoo wajigiisa caro ka muuqato.  Waxaa loo yeeray nin dheer, oo madow, oo golxo leh, oo dhar dayacan gashan. Kaasoo aan u muuqan mulkiile iyo maareeye toona.
 “Adeer, maxaan kuu qabtaa?” Ayuu waydiiyay maamulihii.
Maamulihii intaanu hadalba ka soo bixin ayaa waxa maskaxdiisa ku soo dhacday fikir ah; malaa kani yarka maba dhaamee inaad iska aamustaa laguu qaatay!  Haddana, wuu dhiiraday oo wuxuu u sheegay siday wax u dhaceen oo dhan.
Halkii garawshi
inyo iyo raali-gallin laga filayay, ayuu mulkiilihii makhaayaddu qosol afka furtay… kax kax kax kax ….. illaa la aamusiin kari waayay. Markaasuu damcay inuu haddana hadlo, laakiin waxaa ka xoog badiyay qosolkii oo xataa waxoogaa raashin ahaa oo uu raamsanayay meeshii oo dhan ayuu ku cashariyay (firdhiyay), qiiix qiiix qiix…. !  Macalimiintii qaarkood iyo dadwaynihiiba qosolkiisii layaabka lahaa iyo alaabada ka soo finiintay markay arkeen bay is xejin kari waayeen oo iyana qosol jidhaanta ka dhiggeen.  Halka qaar kalena ka xanaaqeen cantabada uu ku daadiyay.
Goor dambe oo uu mulkiilihii qosol dhamaystay ayuu waydiiyay maamulihii, “Caliyoow, horta wiilka ma garanaysaa?”  Suu ye, “Mayee adeer walay iga tahaye, miyaanad qof wayn oo loo dacwoodo ahayn maxaa qosol-qosolka keenay?”  ayuu waydiiyay mulkiilihii isaga oo kacsan.
 Markaasuu isagoo sii qoslaya intuu u soo dhawaaday afka dhegta u saaray oo ku yiri, “Waa yarkii aad berigii hooyadii kufsan jirtay!” wuxuuna sii watay qosolkiisii isagoo u quusinaya inuu wiilku yahay mid uu kufsi ku dhalay oo isaga hadda ka aar goosanaya!
Maamulihii oo aad mooddo in cirka jeex ku soo dumay, wixii loo sheegayna qaadan waayay ayaa baalla-daymooday oo dhinacyada iska eegay bal inay macalimiinta iyo dad waynuhu maqleen wixii xilka lahaa ee dhegta loo saaray iyo in kale.
Waxa u muuqatay inaan wali ciddina maqlin wixii la sheeggay, laakiin dadkii oo dhami dheggaha ay raaricinayaan iyagoo sugaya inay maqlaan sirta lagu xanshaashaqay.  Markan arrin kale ayaa soo korortay: Hadduu ka murmo kufsiga oo hadalka sare u qaad-qaaddo, waxuu ka baqay inay fadeexad iyo shaki abuurto.  Haduu iska aamusana in arinta siyaabo kale loo fasiran karo ayuu is tusay!  Sidaas darteed, wuxuu ku calool adaygay inuu sameeyo falsafad kale oo loo yaqaanno Gawaan-Raacin, taasoo macnaheedu yahay ka-fad-kudin-meel-aan-loo-fadhiyin! Ama sida reer Waamuhu u yaqaannaan waa “Khayr ha sheegin, shar ha sheegin, waxaad sheegtana ha waayin!”.
Markaasuu maamulihii intuu isna qosol jees-jees ah ku dhuftay yiri,  “Waar illeen balaayo aan kaa qoslini, ballaayo maaha, oo inkaar-qabaha haday daawadii ka dhamaatay maxaad ayaamo u nasin waydeen intuu saaxiga ka keenayo?” Ayuu si sogor-dahan (sarbeeb) u waydiiyay.
Mulkiilihii oo fahmay gawaan-raacinta ayaa yiri, “Adeer, arrintaa anigaa si fiican hadhow kuugu faahfaahin doonnee, daawadu qarash badan bay u baahan tahaye hawshiina iska wata.”  Wuuna iska dhaqaaqay isagoo sii qoslaya,cudur-daarna ka bixinaya waxoogaagii afkiisa ka soo firdhay oo dadku dhibsaday!
Macalimiintii iyo dadwaynihiiba sidaad  garan kartaanba waxay u qaateen inuu wiilku waallan yahay, oo uu dawo qaato siduu maamuluhuba sheegay.  Laakiinse, maamuluha waran kale ayaa isaga si gaar ah ugu mudnaa. Mulkiiluhuna warankii wiilku muday kama garaabine wuu sii dhaqdhaqaajiyay, boogtiina wuu sii wayneeyay. Hadayse maanta af-gobaadsi ku kala dhaqaaqeen, tolow maxay xaajo ku dambayn doontaa? Ma nin cuqubo uu hore u galay ku laba qaraxday oo laga goynayaa?  Mise waa af-lagaado mid kale si ku meel-gaar ah loogu saxay oo gollaha ayaa laysku dhaafinayay, laakiin aargoosigeeda iyo godobteeduba way dambayn doonnaan?
La Soco Qaybta Dambe, Haduu Alle Idmo!
W/Q: Axmed-Assad
Barmaamijka Murtisoor Ee Hidaha, Suugaanta & Afshaxanka.
Facebook.com/MurtiSoor, Twitter @AxmedAssad, Ahmedy98@yahoo.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply