Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Iiraan oo noqotay wadan ay reer galbeedku door bidayaan inay saaxiibonimadii Sacuudiga lagu badalankaro.

Heshiis sadex geesood ah oo wadamada Yufub, Maraykanka iyo Iiraan wada gaadheen  ayaa soo afjaray awoodii waynayd ee Sucuudigu ku lahaa Go’aan kagaadhida xaaladaha wadamada Islaamka ah taasoo sii dhicisoobasay ilaa intii dagaal ahli ahi ka qarxay wadanka Suuriya.

Waxaa meesha ka baxay kalsoonidii dad badan oo wadamada Islaamka ahi ku qabeen Sucuudiga kadib markii ay ku soo rogeen cuna qabatayn xoriyada mashaa’iikhda wadamadooda joojiyeena dhaqaalihii ay wadamada Islaamka ah siin jireen kadib markii kooxo qawlasato ahi ka dilaaceen wadamadaa, kuwaasoo ku adeegana magacyo Diimeed.

Heshiiska hordhaca ah ee ay wadamada qarbigu la galeen  dawlada Iiraan ayaa soo afmeeraya Cunaqabatayn wadankaa saarnayd ilaa intii SHAAH la afganbiyay 1979 kii. Iyada oo heshiiskan uu yahay mid aan waxba ka badalayn Cunaqabateentii saarnayd Iiraan balse uu yahay mid bilow ah oo wax ka tari doona in is afgarad laga gaadho xakameenta Hubka wax Gumaada ee Qubuloduriyaha laga cabsi qabo inay Iiraan ku guulaysato samaysashadiisa.

Xukuumada Sahnuuniga  ayaa iyadu qaadacday heshiiskan uguna baaqday tageerayaasheeda inay ka hor tagaan dhaqan galka heshiiskan oo ayu arkaan inuu yahay mid aad u qaldan. Dhinaca Maraykanka madaxwayne Obama ayaa caymis ka siiyay xukuumadaa Sahnuuniga inuu had iyo goor Maraykanku tageeri doonaan Jiritaankooda.

Heshiiska ay xukuumada Obama la gashay Iiraan ayaa u muuqda mid ay ku muujinaso inay ka madax banana tahay awoodaha u dooda jiritaanka Sahnuuniyada oo ay ee gaso danta shacabka Maraykanka guud ahaan.

Iiraan ayaa hada heshay fursad ay ku noqoto awooda wax laga waydiin doono mandaqada Bariga iyo Bartamaha dunida Islaamka hadii ay kaga dhabeeyaan inay joojiyaan rabitaankooda ay doonayaan inay noqdaan wadan ku hubaysan awooda Qunbulodiyaha.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag