Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hure Mire Cabdi oo ku geeryooday Laascaanood

INNAA LILLAAHI WAA INNAA ILEYHI RAAJICUUN. Waxaa goor dhawayd ku geeryooday magaalada Laascaanood Marxuum Hure Mire Cabdi oo ka mid ahaa Odoyada uGu da’da wayn dadka ku nool haatan deegaanada Khaatumo.

Waxaan Tacsi Tiiraanyo ku dheehan tahay u diranaa qoyskiisa oo dhamaantood ku sugan Magaalada Ceegaag, sidoo kale Madaxda Maamulka Ceegaag ayaa tacsi u diraya qoyska reer Hure Mire. Sidoo kale dhamaan shaqaalaha shabakadan ayaa Tacsi u diraya reer Hure Mire anagoo leh Samir iyo Iimaan ilaahay ha idinka siiyo Marxuumkana Janadii Fardowso Alle ha kawaraabiyo.AAMIIN. AAMMIIN. AAMMIIN. AAMMIINN. AAMMIINN.

Marxuumka ayaa ahaa Odoyada Fara kutiriska ah ee ku garaadeestay Halgankii Daraawiishta, Taariikh badana la godgalay. balse ay shabakadan ka hayso in kooban oo aanu idiin soo gudbindoono Tacsida Dabadeed.

Ugu danbayn Jamaal Xaaji Cali, General Maxamed Cali Abokor, Liibaan Fiin, Xuseen Fiin, Cabdicasiis Maxamed Cali ayaa sigaara tacsi ugu diraya qoyska reer Hore Mire.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply