Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hooyo reer Kismaayood ah oo Gabay Hawada u marinasa reer Jubaland

 

 

 

 

 

 

 

Gabay ku saabsan Jubaland

Soconweeydey nimankii waxbadan Juba siraayoowe

Soconweeydey oo waakuwaa  samirkii dhigaye

Nimakii sareedada lahaa saare calankiiye

Soolaaban meeysoo jubana seegtay cadowgiiye

Suntan nimanka keeydinahayoow waad seleganteene

Safka raaca waar hooytolkiin maanta waa samire(hooris)

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

Waxeey socoto socotaba wakaa saarmay calankeeye

Suldaaniyo cuqaalaa u kacay sooma jeesta ahe

Sareediyo dhulkii kheeyr lahaa tuuryey saxalkiiye

Sodon saniyo dheeraad ayaan sugayey taariikhe

Soolaaban meeysoo jubana socotay eegaane

Suntan nimanka keeydinahayoow waad salagenteene

Safka raaca waar hooy tolkiin weeydin sugeynaaye(hoori.

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

Samirbaa wax lagu qeeybsadaa hadeey socoto taariikhe

Saadanbeey ku soo mari waxaad seegtay maalmahane

Suntan lama afuufiyo waxaanad saami u lahayne

Saxalkii bulshadu tuurtayoo saafibeey tahaye

Salageenii beeruhu haduu saami noo noqone

Soolaban meeysoo jubana socotey eegaane

Suntan nimanka buufinahayoow waad seleganteene

Safka raaca waar hooy tolkiin weeydin sugeynaaye(hoori

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

Ilaah taakuleeyoow waxaan idin tusaaleeyey

Tafaraaruq yuu idin dhexgelin tiirka u adkeeya

Taladiinu yeey liicinoo cadowgu uu taamin

Tariikhdii hida noo ahayd taaba qaad noqotay

Rag tanaasulana yeesha waxaad tebeysaanba (hooris).

 

Marhadaad salagantoo xumaan aad u saro qaado

Tolka seegmadiisana wax badan la isma soo taago

Taariikhdu waysocotayoo tiirkii u adkaaye

Tacadiga ka daayoo toloow yeysan kala tuurmin

Calankii tisqaadyoo wakaa taabo noogalaye

Suntan nimanka keeydinahayoow waad saleganteene

Safka raaca waar hooy tolkiin maanta waa samire(hooris)

@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@

 

Suntu hadalku noogeesto waad sahashaneeysaane

Ma seexdaan qurbaha kuwa kunool waa qaracan weeyne

Qurbahaa diloodoo dhulkooda qaaliyeey tebiye

Qeeyb qeeyb intaad joojisaan qolka wada qaata

Jubalandna yeey tiicinee tiirka u adkeeya (hooris)

Allahayoow  talada noo adkee taajir baad tahaye

Tubta toosan nagu toosiyoo talona weeydaarin

Waxaan tabaneynaba waxidoow adigu noo toosi

Calankaa aan taagneyna aloow tacawi hawkeenin(hor)

 

Kii tisqaada oo taabo gala tan iyo awgiiba

Tolku uu dugaashado oo aan la isku tuurtuurin

Gaaladu midkeey taagu helin tiir birana yeesha

Tacadigu midkuu taabanoo talada noo xooja

Allahayoow adigu taamka yeel calankaa aan taagney (h)

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag