Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hooyo macaan, hooyo gacalo, cafis iyo caafimaad Allaah Aduunka iyo Aakhiroba (Qaybtii kowaad).

“Aduunyadu waa haween, halkaa layskuma hayee, nin doonaaba ha hadlee, hooyadu waa lama huraan-abwaan Cadhays Ciise Kaarshe Allaah ha u naxariisto ee”
“Dumar iyo haween baa, Nolol lagu haweystaa, Kuwa lagu hammiyayee, Sida hawd caleen wayn, lagu wada hamuumee, Ishu halacsanaysaa, Hablahaaga weeyee- Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi)”
Maanta mowduucyadii siyaasada qabyaaladaysan, waan ka nasanaynaa in yar, hana naga nasteen maanta SNMtii, G11tii beenaalayaasha iyo fidna abuurka ahaa, iyo websiteyadii ku-shubada ahaa, ee ay buuryaqabtu qori jirtay, ee ku qadhaabta magaca Khaatumo, oo waxaan ku bedeli doonaa inshaa Allaah, mowduuc muhiim ah, oo ka mid ah arimaha bulshada, waa mowduuc Bini
Aadamnimo, sida ka muuqata cinwaanka kore, sidaydaba runtii waxaan jecelahay inta badan in aan ka hadlo, oo wax ka qoro arimaha bulshada, bal se waxa taas ii saamixi waayay beryahan dambe, siyaasadaha qabyaaladaysan, ee wadankeena ka Jira, taas oo ay waajib inagu tahay inaan ka hadalo, waayo midkeen walba saamayn bay ku leedahay, doonidana waan wada saaranahay,
Marka si aanay inoola wada qarqmin, waa inaan intii itaalkeena iyo karaankeenaba ah, isku daynaa inaan wax ka qabano ama saxno, waa laga yaabaa inaan mar mar af qalafsan, ama qabyaalad qaawan ah adeegsado (halkan ka aqri aragtida aan qabyaalada ka qabo), taasna waxa keena inta badan, markaan arko cid ama koox adeegsanaysa qabyaalad mutuxan, hadana si ay u
Khaldaan inta kale, huwinaaya magacya kale, saaxiibkay oo ahaana macalinkaygii, waxaan ka hayaa, inaad qofka kula hadasho afka uu yaqaan, si aad isu fahamtaan, kan akhlaaqda iyo edebta u saaxiibka ah, akhlaaq iyo anshax ula hadal, kan qabiilaystaha ah, qabyaalad kula hadal waayo, waa afka keli ah ee uu yaqaano, hadadan kaa kula hadalna isma fahmaysaan iwm, si kastaba ha
Ahaatee, bal anaan xumaanta siyaasada maanta kaga nasano, mowduucaa muhiimka ah, ee korka ku qoran, waana sidan:
Hooyo macaan, hooyo gacalo, cafis iyo caafimaad Allaah Aduunka iyo Aakhiroba.
Ma garan karo eryo kaga haboon, kuwaa korka ku qoran, oo aan hooyo ku cabiro, magaca hooyo, markuu dhegahaaga ku dhaco, ama aan aqrino, waa eray ina wada dareensiinaaya, dhamaanteen, si kasta oo dabciyadeenu u kala duwan yihiin, dareen gaar ah, oo ah kalgacal, deganaansho, isku kalsooni, raxmad,sabir iyo iimaan, waxana si fiican ugu sifoobay erayada ah,
Hooyo macaan, hooyo gacalo, hooyo macaan waa nafta meel kasta iyo waqti kasta, waa iftiinka ina siiya amaanka, nabada, caadifada, xanaanka, rajada iyo sabirka, imisa ayay u dhibtootay awgeen, imisa ayay inala soo martay xanuun iyo culays, markaynu uurka ku jiray, imisa ayay u adkaystay, banteena, oohinteena iyo qayladeena, markaynu sebiga ahayn, imisa se ayay u
Adkaysatay xalinta arimeheena iyo dhiiri gelinteena, markaynu waa waynaanaynay, hooyo waa tii ina bartay, ee ina siisay wax walba oo nolosheeda ah, iyadoon inaga sugin waxaan u celino iyo abaal toona, hooyo macaan waa isha kalgacalka, ilaalinta, iyo siinta aan xuduuda lahayn, hooyo macaan waa askariga dahsoon, ee u soo jeeda habeenada, siduu u ilaaliyo awood
Daradeena, oo u daawayo ceebeheena, waa u roone, bixiye, iyo jacaylka dhabta ah, ee bixiya isagoon waxba ku bedelan, oo u bixiya si aan xuduud lahayn iyo abaal sheegasho toona, waa hanuuniyaha jidka iimaanka, iyo deganaanshaha nafta, waa isha aan ka soo maaxanay, ee inagu beeray midhaha nabada iyo xasiloonida, hooyo macaan waa daawada bogsiisa nabaradeena, ee
Yaraysa xanuunkeena, hooyo macaan waa ilayska ifinaaya nolosheena, waa isha burqanaysa, ee kalgacalka, bal waa kalgacalka laftiisa, oo leh sawir Bini Aadam, waa Qoraxda nolosha, ee siraada madowga maalmeheena, ee diirisa qabowga dareenadeena, hooyo macaan waa hadyad raxmada ah, oo xaga Allaah tacaalaa inooga timi, waa aqoonta ina barta, dhab ahaanta jeclaanta
Allaah, hooyo macaan, hooyo gacalo, waa hooyadaa, hooyaday, hooyo kasta, oo dhulka korkiisa ku nool, iyo hooyo kasta, oo geeriyootay, oo aanu u waydiinayno Allaah tacaalaa inuu u dembi dhaafo, oo ku sugo janooyinkiisa balbalaadhan, hooyo waa hooyo macaan, iyo hooyo gacalo mar kasta, iyo goor walbaba, siduu abwaan Hadraawi ku sifeeyay, hooyo waa gogol lama huraan ah,
Hayin weeye lagu badhaadho, iyo hogol lagu qaboobo, tafteeda ayaa dugsi laga helaa, dhabteeda ayaa hurda lagu gama’aa, dusheeda ayaa nabad iyo naxariis lagu helaa, aduunku waa haween, hooyo, habaryar, eedo, walaal, inaabti iwm, waxaanay taaban ama cunto aanay taab taaban, oo soo samayn dhadhan iyo barako toona ma leh, guri aanay habayn, iyo gogol aanay
Dhigin laguma gamo’o, lagumana xasilo, meel aanay joogin naxriis deganaansho iyo nabadi ma taalo, kan inoogu akhlaaqda iyo arxanka daran, markuu maqlo ama aqriyo magaca hooyo, dareenkiisu waa is bedelaa, oo naxariis iyo caadifad jacayl ah baa gasha, hooyo waa hadyad Allaah tacaalaa uu makhluuqiisa ku manaystay, la’aanteed ma jirteen noloshu, hooyadu waa
Beertii makhluuqa soo saaraysay, aabuhuna waa kii beerta falaayay, si noole kasta, oo uu abuuray, u hanaqaado, oo u tarmo, Allaah tacaalaa wuxuu ugu talaalay, oo u geliyay qalbiga hooyada jacayl gaar ah, iyo naxariis, dhamaan noolaha, kiisa aan caqliga lahayn, iyo inaga oo bini aadam ah, oo Allaah inoo dhiibay amaanada caqliga, haa caqligu waa amaano Allaah

 
Tacaalaa inagaga fadilay, oo inagaga gaar yeelay noolaha kale, uuna inagula xisaabtami doono, waxan dhamaan aqrinaa ama maqalaa derejada sare, ee ay diintu siisay hooyada, iyo dumarka guud ahaanba, iyada oo ay dumarku waqtigii jaahiliyada, ee islaamka ka hor, ku ahaayeen caar iyo ceeb ahalkooda iyo qoladooda, waa la dhibi jiray, oo waa la dili jiray, waxaa loola dhaqmi
Jiray sidii adoomado guriga jooga, oo aan wax qiima ah lahayn, waa lagu xadgudbi jiray, waa la kufsan jiray, hadba cida xoog leh baa qasab ku kaxaysan jirtay, ilaa uu soo baxay iftiinkii nebinimada cusub, dacwadii islaamkuna fiday, oo ifisay dunida oo dhan, iyada oo karaamaysay, oo sharaftay dumarka, korna u qaaday derejadooda, taas oo ay ummadaha kale iyo miladaha

Kalena kaga daydeen islaamka, Allaah tacaalaa wuxuu inoogu sheegay aayado badan, oo ka mida ah Quraanka kariimka ah, inaan karaamayno hooyada, oo ku adeecno wax kasta, oo aan macsidiisa ahayn, inaan hagaajino la macaamilkeeda, oo aan ilaalino sharafteeda, wuxuuna u yeelay dereja ka saraysa derejada jahaadka, wuxuuna tacaalaa inagu amray u samafalka waalidka
Ka dib caabudaadiisa, oo uu ku xejiyay u samafalka waalidka, si gaar ah hooyada, sidoo kale rasuulkeenii calayhi salaatu wasalaam, wuxuu si aad ah inoogu booriyay, inaan muujino derejada sare ee hooyada, iyo waynaanta fadligeeda, wuxuuna inagu amray adeecideeda, iyo hagaajinta la dhaqankeeda, xadhiithkii Rasuulka sala Allaahu calayhi wasalam, ee Abu Hurayra Allaah ha ka Raali noqdee wuxuu yidhi: “nin ayaa u yimid Rasuulka Allaah, wuxuuna ku yidhi: Rasuulkii Allaahow yaa dadka iigu xaqq badan? Wuxuu ku yidhi: Hooyadaa, markaasuu hadana yidhi: yaa kale? Wuxuu ku yidhi: Hooyadaa, markaasuu hadana yidhi: yaa kale? Wuxuu ku yidhi: Hooyadaa, markaasuu hadana yidhi: yaa kale? Wuxuu ku yidhi: Aabahaa” waa xadiith laysku

 
Waafaqsan yahay. Taas waxay ina tusinaysaa fadliga ay leedahay hooyadu, iyo xaqqa iyo baarinimada ay inagu mudan tahay, sida uu ku cabiray Abwaan Cadhays Ciise guurowgiisii: “Hantida aad leedihiyo, wixii aad haabataa, hadii loo siiyo hibo, abaalkood lama hale, hooyadu waa lama huraan”, taase macnaheedu maaha, in aan yar yaraysano doorka aabaha, iyo xaqqa uu
Inagu leeyahay, aabuhu waa kan Allaah tacaalaa sababta uga dhigay in aad abuuranto, oo aad noqoto noole jira, oo hebel ama heblaayo la yidhaahdo, iyada oo aad dhabarkiisa ka soo go’day, taas oo keli ah xaqeeda ma gudi karo, waa marka aan meel iska dhigno wixii kale, ee uu inala soo maray oo odhan, hooyada se waxaa Allaah mudnaanta iyo fadliga intaa le’eg u siiyay, waa
Dhibta u gaarka ah, ee ay inala soo martay, hooyada dhibteedu waxay ka bilaabataa, marka ilmuhu uurkeedu ku abuurmaayo,

waqtigaas oo loo yaqaano, waqtiga walaca, waa waqti ay xanuun badan dareento hooyadu, oo ay xataa qaarkood cuntada ka go’aan, hunqaaco, madax xanuuno iyo dareeno iyo xanuuno kala duwan la kulmaan, oo xataa ay dhacdo in qaarkood uba
Dhintaan. Waqtiga ay ilmaha uurka ku sidaan, iyo xanuunkeeda iyo culayskeeda, waxa raacda in ilmuhu qaarkood, uu qaar jidhkiisa la galo meelo qaloocsan, oo aan caadi ahayn, taas oo sababta xanuun aad u wayn, iyo in weliba qaarkood u dhintaan, ama dhaawacyo ku keento. Waqtiga ay dhalayso, waa waqtiga ugu xanuunka iyo khatarta badan, iyada oo ay qaarkood ku
Dhintaan, qaarkoodna markay adkaato, in ay si caadi ah u dhalaan, ilmaha laga soo dooxo, waxaa dhib gaara dhalmada ku qaba hooyooyinka Soomaaliyeed, iyo wadamada Afrika qaarkooda adeegsada gudniinka fircooniga ah, kaas oo dhib badan ku keena hooyada, siiba markay dhalayaan, iyada oo uu gudniinkaasu wax ka bedelaayo dabeecadii Allaah ku abuuray
Makaanka, ee fududaynaysay dhaliinka. Dhaliinka ka dib, isna waa waqti dhibtiisa ku leh hooyada, waa waqtiga ilmuhu u baahan yahay gargaarka ugu badan, oo uu ugu jilicsan yahay, Naasaha ayay jaqsiisaa, banta ama saxarada iyo kaadida ayay ka qaadaa, oo ka maydhaa, in badan korkeeda, dhabteeda, dharkeeda iyo halkay jiifsanaysay, ayuu banta ku sii daayaa, intaa
Wuu ku ooyayaa, oo in yar kama nasan karto, hadana oh iyo hif toona ma leh, waxyaabaha ugu la yaabka badan, qofka dumarka ah, meelaha jidkeeda ka midka ah, ee aanay suurgal ahayn, in aan qof aan ninkeeda ahayni arko, waxa ka mid ah naasaha, hase yeeshee markay ilmaha yar haysato, ee uu ku ooyo, waa tan cid kasta oo horteeda joogta ama goob kasta oo ay joogto,
Naaska intay la soo baxdo jaqsiisa ilmaheeda, cid kaleba uma jeedo, ilmaheeda yar, wuxuu u yahay aduunyo kale. In kasta oo aanu marna xaqooda iyo abaalkooda gudi Karin, hadana waxa cawo iyo nasiiba leh, cidii soo gaadha waalidkii oo gaboobay, oo itaal daran, dabadeedna u adeega, oo duco iyo ajar kala hadha, Soomaalidu waxay tidhaahdaa: “Geel laba jir soo wada
Mar”, hadaad maanta dhalinyaranimo, xoog iyo caafimaad ku naaloonayso, laguuna seeta dheereeyo, oo aad mudo sii noolaatid, hubaal waxaad noqon odayga iyo islaanta beri, ee taag darida iyo caafimaad la’aanta la il daran, nabsiguna waa dhexaa, waa soo dhuukiyaa, bal se marnaba kuma dhaafo, noloshu waa wax yar, waa maalmo tirsan, waa hadhkaa labadiisa gelin,
Wabillaahi atowfiiq


Ciise Maxamuud Aadam
Almutawaadic@yahoo.com
La soco qaybaha dambe dhowaan inshaa Allaah

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply