Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hogaan Bir ah:Wasiirka Gaashaandhigga DIINI oo gaaray magaalada Kismaayo

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo kusoo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubbooyinka.

Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa magaalada Kismaayo u tagay barnaamijka isku dhafka ciidamadda, kaas oo dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii dalku u yeelan lahaa ciidan qaran oo isku dhafan iskuna dheeli tiran.

Hoggaamiyaha Maamulka Jubbooyinka Sheekh Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in wasiirka ay ku gacan siin doonaan isku dhafka ciidamadda, isagoo dhinaca ku ammaanay dadaalkii dheera uu Wasiirku usoo galay dib u xoreynta gobollada Jubbooyinka xiligii ay socdeen dagaalladii u dhexeeyay kooxda Al-shabaab iyo Ciidamaddii Huwanta ee xoreeyey qaybo kamid ah gobollada Jubbooyinka.

Ugu danbeyn, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini, ayaa sheegay in Soomaaliya waqtiga ay ka gudbayso ciidamadii magacyada kala duwan lahaa isla markaana u gudbayso ciidan qaranku leeyahay kuwaas oo bulshada qeybaheeda kala duwan ay ka dhex muuqan karaan.

“Maanta waxaan usoo gaaray magaalada Kismaayo, barnaamijka isku dhafka Ciidamadda oo ah mid muhiim noo ah, intaan joogno magaalada Kismaayo waxaan is arki doonaa hoggaanka iyo qeybaha bulshada ee Jubbooyinka. Dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamullada dalku waxay horey u gaareen heshiis ku aadan dhismaha ciidan qaran oo isku dhafan, waana taas midda aan maanta halkan u imid dhamaystirkeeda”ayuu yiri Wasiirka Difaaca Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sii joogi doona magaalada Kismaayo muddo 10 cisho ah, waxana uu kulamo la qaadan doonaa qeybaha bulshada, si loo dhageysto.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply