Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hogaamiyo dhaqameedo gaadhay Qoriley si ay u xaliyaan Colaada dhextaala dadka deganadaa

Ceegaag: Oct 10, 2015 Ceegaag. Wararka nagasoo gaadhaya deegaanada gobolka Sool siiba Qoriley  ayaa sheegaya in isimo u badan beesha daarood oo kakala yimid Khaatumo, Maakhirland, Jubaland, Pubtland iyo deegaanada Ogaadeeniya ay isugu soo urureen magaalada Qorilay si ay usoo afjaraan colaada kataagan deegaanadaa oo bilihii u danbeeyay ay siyaasadeeyeen maamulada Somaliland iyo Puntland.

Wararka nagasoo gaadhaya deegaanadaa ayaa sheegaya in gabi ahaanba laga qaaday deegaaanada ciidamadii kala taabacsanaa Somaliland iyo Puntland haatana ay lawareegeen ciidamada Khaatumo kuwaasoo sugaya amaanka wufuuda culus ee ku sugan deegaankaa. Dhinaca kale Garaadka guud ee beesha Daarood Garaad Jaamc Garaad Cali ayaa isaguna gaadhay deegaankaa halka lafilayo in Boqorka Daarood  isna  inuu Goobta soo gaadho.

Colaadan u dhaxaysa beelaha Bararsame iyo Cumar-Maxamuud ayaa soo jiitamasay mudo dheer balse haatan looga fadhiyaa guurtidaa aadka u culus ee gaadhay inay Cadaalad kusoo Afmeeraan.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply