Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hidde iyo Dhaqan: Kulan Suugaaneed Boston ka Dhacaya Feb 21, 2015

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Northeastern iyo naadiga BADSO (Barashada Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed) ayaa si wada jir ah u soo agaasimay kulan suugaaneed loogu magacdaray, “Hidde iyo Dhaqan” (ama Somali Folklore)—oo insha Allah qabsoomaya February 21, 2015. Goobta kulanku waa Cabral Center, 40 Leon Street, Boston, MA. Goorta kulanka la qabanayo na waa 5:30 PM oo gaw ah!

Waxa aan kulankan ku maamuusaynaa — Alle ha u naxariistee — laashinkii buunniga ahaa, Xuseen Sheekh Axmed Hilowle (Kaddare), oo bishan kowdeedii geeriyooday.

Iyada oo xogo muhiim ah oo ku saabsan hiddaha, murtida iyo dhaqanka Soomaaliyeed laga soo jeedin doono, waxaa kulankan isku arki doona — Eebbe idinkii — halabuurka Boston, oo tixo dhawr ah laga dhegaysan doono (Soomaali iyo Ingiriis ba). Ujeeddada kulankan laga leeyahay ayaa ah in la is xasuusiyo, oo la is baro, murtida afkeenna muushka ka ah. Sidaas daraaddeed, waxaa laga warrami doonaa sheeko-murtiyeedda Soomaaliyeed, iyo ciyaaraha iyo hees-dhaqammeedda ay Soomaalidu caanka ku tahay.

Waa kulan dadweynaha u furan, oo bilaash lagu soo gali doono — insha Allah — oo macmacaan iyo cabitaan ba diyaar loo la yahay.

Wixii faahfaahin ah fadlan kala soo xiriir, Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Northeastern (northeasternssa@gmail.com) ama Idiris M. Cali (idiris.m.cali@gmail.com).

Waad mahadsan tihiin. Wixii talo iyo tusaale ah na waad nagu taaran kartaan.

Eebbe ha idin sharfo,
Guddi-Agaasinka Kulanka

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

One Response to Hidde iyo Dhaqan: Kulan Suugaaneed Boston ka Dhacaya Feb 21, 2015

  1. Pingback: Hidde iyo Dhaqan: Kulan Suugaaneed Boston ka Dhacaya Feb 21, 2015 – BADSO

Leave a Reply