Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hay’adda SCERDO oo deeq raashin ah ugu qaybisay degmada Ceegaag qoysas danyar ah.

Hay,adda Somali Canadian Education and Rural Development Organization (SCERDO) ee fadhigeedu yahay magaalada Edmonton ee Dalka Canada ayaa deeq raashin ah gaadhsiisay laba boqol (200) oo qoys oo danyar ah ku nool degmada Ceegaag iyo nawaaxigeeda. Qoyasaskaas oo ka mid ah dadkii ay sida xun u saamaysay abaartii dhawaan ka dhacday dalka Soomaaliya gaar ahaan gobollada Sool, Sanaag Iyo Cayn.

Raashiinkaas oo loogu qaybiyay dadkaas danyarta ah Ceegaag, ayaa waxaa ugu horrayn ka hadlay guddoomiyaha degmada Cabdi Xaaji Cali Cilmi oo u mahadceliyay hay,adda SCERDO iyo dawladda Canada oo iska kaashaday bixinta dhaqaalaha lagu iibiyay raashinkaas loo qaybiyay danyarta Ceegaag. Waxaa sidoo  hadallo mahadcelin ah ka soo jeediyay odayaasha degaanka sida Cabdi Jaamac Axmed (Dabagooye), Buraale Badhikar Cilmi, Cabdirashiid Maxamed Cawl, Faarax Mire Cabdi, Maxamed Cabdi Jaamac Gaydh iyo waxgaradkale.

Ugu danbayn waxaa halkaas Iyana hadallo mahadcelin ah ka soo jeediyay haweenkii, duqaydii iyo dadkii jilicsanaa ee mucaawimada la gaadhsiiyay iyagoo hay,adda SCERDO ka codsaday in ay biyo la soo gaadhaan maaddaama degmada Ceegaag uusan sanadkan roob fiicani helin dadka gaar ahaan carruurta iyo waayeelkana ay ku adkaatay cabbitaankii biyaha riigga.

www.ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply