Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hay’adda SADHURO oo soo gabagabeeysay Mashruuc Raashiin qeybin ah oo ay ka waday Magaalada Kismaayo (DAAWO SAWIRADA)

Hay’adda horumarinta iyo arimaha biniaadanimo ee SADHURO ayaa xaflad ayaa maanta ku qabatay hotel qiilmawaaye islamarkaana ay kasoo qeybgaleen madax sare oo ka tirsan maamulka Jubba ayay kusoo bandhigtay waxqabadkeeda.

Xafladdan oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiiro iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Jubba, ururrada dhalinyarada, haweenka iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Kismaayo ayay kusoo bandhigeen waxqabadkoodii mudo sanad ah, iyagoo dhinaca kale soo gabagabeeyay mashruuc raashiin qeybin ah oo ay ka wadeen magaalada.

Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha hay’adda SADHURO, Cali Yuusuf Cabdi oo ku dheeraaday waxqabadkoodii mudadii sanadka ahayd ee ay ka howlgalayeen degmada Kismaayo.

Masuulkan ayaa sheegay in mudo 10 bilood ah ay quudinayeen ilaa 5000 oo qoys oo danyar ah, kuwaasoo uu xusay in ay kasoo kala xuleen xerooyinka dadka barakacayaasha ee ku yaal degmada Kismaayo, iyo weliba qaar kamid ah dadka deegaanka ee danyarta ah ee ku dhaqan magaalada kismaayo.

 

Guddoomiyaha degmada Kismaayo C/laahi Qaldaan oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in hay’adda SADHURO ay wax weyn ka qabatay baahidii ka jirtay degmada Kismaayo, isagoo uga mahadceliyay hay’adda iyo howlwadeenadeeda dadaalka ay u galeen sidii ay dabooli lahaayeen baahida shacabka ku dhaqan degmada Kismaayo.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadalay wasiiro iyo masuuliyiin kale oo uu ka mid ahaa afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax, kaasoo sheegay in waxqabadka hay’adda uu yahay mid muuqda islamarkaana ay kaalin weyn ka qaateen sidii loo yarayn lahaa dhibaatooyinkii dhanka biniaadanimo ee ka jiray Jubooyinka.

Hay’adda SADHURO ayaa mudadii ay ka howlgaleysay degmada Kismaayo waxay gacan ku heysay dad ka badan ilaa 5000 oo qoys oo danyar ah, kuwaasoo ay bil walba siin jirtay raashiin ku filan oo ay biishaan, waxaana arintaasi ay isbadal ku keentay nolosha dadka danyarta ah oo hore ula haadaa dhici jiray helitaanka raashiinka quutul duruuriga ah.

DAAWO SAWIRADA:

Ceegaag Online

Xafiiska wararka kismaayo

Ceegaag Online

Kismayo-somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply